Thursday, June 19, 2014

Qalabka Keyboar-ka leh oo looga Digay inay Carruurtu isticmaasho


Ipad-3(GNA) Isticmaalka taleefannada Ipad iyo aaladaha kale ee leh keyboard-yada ayaa daraasadaan lagu sheegay inay caafimad darro u keenayaa gacmaha carruurta, gaar ahaan faraha carruurta yaryar, isticmaalka kaybord-yada waxa uu saamayn ku yeelanayaa korriinshaha murqaha gacmaha carruurta.




 




Sida caadada ah murqaha gacmaha carruurta ayaa waxa ay koraan sanadyada hore, laakin cilmi baadhistan ayaa lagu sheegay in taleefannada Ipad-yada iyo guud ahaan isticmaalka keyboard-yada ay dib u dhig ku keenayso korriinshaha murqaha gacmaha carruurta.




 




Waxa ay soo jeediyeen khubaro ka howl gala akadeemiyadda maraykanka ee caafimaadka carruurta in waalidku ay ka war qabaan carruurtooda isla markaana ay xaddidaan saacadaha ay ilmuhu isticmaalayaan taleefannada Ipad, waxa ayna ku taliyeen in aanay saacadaha ay carruurtu isticmaalayaan aaladaahaan aanay ka badan 2 saac malintiiba.




 




Sidoo kale khubaradan ayaa ku taliyay in carruurta ay da’doodu tahay 2 sano aanay gabi ahaanba isticmaalin aaladahaan, oo ay waalidka la gudboontahay in aanay qolka carruurta da’daas ah aanay qolkooda gayn aaladahaan.




 




Daraasad hore oo xilli hore lasoo saaray ayaa lagu sheegay in isticmaalka carruurta ee aaladahan ay ku keenayso dhabar xanuun joogta ah iyo sidoo kale qoor xanuun, sidaa darted waxaa la gudboon waaliddiinta ianay ka fakaraan caafimaadka carruurtooda, oo ay xadeeyaan isticmaalka carruurta ee aaladahan.




 




 




Diyaariye-C/qaadir Askar




Gobanimonews.com