(GNA) Waxa dhawaan cilmi baadhis lagu sameeyay dadka cabba shiishadda,ama Badeecadda la shido, taas oo lagu ogaaday in cudurro badan laga qaado cabista shiishadda.
Cilmi baadhistan lasameeyay ayaa waxa lagu soo qoray shabakadda ka faalloota inta badan arrimaha caafimaadka ee loo yaqaano (Life Science) iyada oo lagu xaqiijiyey in biyaha ku jira shiishadda ama badeecada ee la jiidayo ay ka waxyeelo badantahay wax yeellada sigaarku leeyahay, iyadoona tubbada qiiqa uu soo maro la sheegay in laga qaado cudurka kansarka.
Cilmi baadhayaal u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo japan oo daraasadan sameeyay isla markana ah kuwo ku xeel dheer dabagalka cudurka kansarka, ayaa hoosta ka xarriiqay in 45.3% dhallinyarada ay cabbaan badeecada, iyaga oo tubaako iyo waxyaabo kale ku darsanaya halka 46.6% ay sigaarka ka cabaan.dadka waaweyn amaba da’ada ah.iyo korodhka dumarka caba shiishadda oo ku sii kordhaya caalamka carabta ama afrika iyo yurubta galbeed.
Ugu danbeeyn daraasadan ayaa waxa kaloo lagu ogaaday in 25% dadka cabba shiishadda ay u badan yihiin ardeyd, sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in tubbooyinka shiishadda lagu cabbo oo aan la nadiifin ay wataan cudurrada ay kamidka yihiin bacteria. iyo infection oo dhamaantood laga qaado shiishadda
Diyaariye;C/Qaadir Askar
Gobonimonews