Buraan(GNA)-Cabdilaahi Jaamac Awaare oo hogaamiyaha Maleeshiyaad isu abaabulay difaacista Deegaamo ka mid ah Bariga Sanaag,kuwaasoo ku teedsan soohdinta ay ku muransanyihiin Somaliland iyo Punland, ayaa ka digay qorshe uu sheegaay in Maamulka Garoowe doonayaan inay dib ugu qabsadaan Degmada Buraan iyo dhawr iyo labaatan Deegaan oo hoos yimaada.
Deegaamadan ayaa horey uga soo go’ay dhinaca Puntland oo ay Maamul ahaan iyo siyaasad ahaanba ka tirsanaan jiray,inkasta oo ay ku jiraan gudaha xuduudka Somaliland.
“waxa Maamulka Puntland wadaan abaabul ah inay dib u qabsadaan Deegaamada Sanaag Barri, gaar ahaan kuwa ku teedsan xuduudka Puntland, sida Buraan, Bali busle iyo Ceelaayo.
Waxaanay abaabulayaan ciidan lagu tababarayo Saldhiyada ay ku leeyihiin Degmada Carmo oo dhawr iyo laabadan KM jirta Buraan, deegaanadan ay doonayaa inay dib u qabsadaan oo ka go’ay Puntland horaantii sanadkan, ayaa ah deegaamo Somaliland ka tirsan, mana ogolin inay qabsadaan Maamulka Puntland oo mida qudha ee ay ku sheegtaan tahay qabiil”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Awaare Carlos oo Hargeysa ku sugan.
Cabdilaahi Jaamac Awaare ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “ma joogaan hada deegaamadan wax ciidan ah,23 sannadoodna Somaliland wax maamul ah may gaadhsiin, balse 28 Magaallo waxaa ka difaacaya Puntland Ciidan Beeleedyayada Gaashaan-buur oo hore puntland uga soo go’ay, kuwaasoo aan gacan ka helin Somaliland”
“annagoo dib ugu soo celinay deegaamadan dalkooda Somaliland waxaan dawladda Somaliland u sheegaynaa inay deegaamada hore u dayacday hadana wali aanay dawladda Somaliland waxba u qaban, bulshadu ay difaacayaan deegaamaddooda.
Puntland waxaan leeyahay hadii aanay deegaamada faro gelinta ka dayn inay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan, anagoo og oo aan waxba noo qarsoonayn ayay Puntland doonaysaa inay weerer Milateri ku qabsato Buuraan iyo deegaamada hoos yimaada.
“Bulshada Gaashaan-buur kama qayb gelayso Shirka ay dabada ka riixayaan qurba-joogta iyo Madaxweynaha Puntland ee waxa aanu difaacanaynaa Dhulkayaga, dadkayaga iyo xuduudkayaga, anagoo haysana Ciidan ka badan 900 oo aan Mushahar ka qaadan Somaliland, Puntland-na aanay shuqul ku lahayn”
Ugu waxaan ugu baaqayaa Jaaliyadaha Deegaamadan in ay iyaguna ka qayb qaataan sidii ay u difaaci lahaayeen Deegaamadooda, kana baxaan gacanta labaad ee Somaliland u dhaxaysa”.
Hadalka Sarkaalkan hadlay ayaa ku soo beegmaya xili ay dhaqdhaqaaqyo Milateri oo ay Puntland waddo laga dareemo Soohdinta u dhaxaysa Somaliland ee Sanaag iyo Sool.
Inkasta oo ay Somaliland iyo Maleeshiyaad ka amar qaata Maamulka la baxay Khaatumo ay ku dagaalameen dhinac Sool, hadana Maamulka Garoowe
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com