Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa mar kale mawqif adag iska taagtay Xiisada ka taagan Gobollada Sool.
Shir ay maanta isugu yimaadeen Madaxweyneha Dalka, hogaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran, Guddoonka labada aqal Baarlaman, madaxda Wasaaradda Gaashaan dhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, ayaa lagaga dhawaaqay inaanay Somaliland ogolaan doonin faro gelin dibadeed iyo cid ku soo xad gudubta xudduudaheeda.
“Maanta, kulanka aynu isugu nimi waxay ujeeddadiisa ugu weyni tahay in aynu mawqifkeena Qaran ahaan iyo Ummad ahaanba u caddayno Beesha Caalamka iyo cid kasta oo Danaynaysa”sidaasi waxa lagu yidhi War ka soo baxay kulanka albaabadu xidhnaayeen oo saacado ka socday aqalka Madaxtooyada.
Madaxda saddexda Xisbi,Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Baarlamanka ayaa kulankaasi kaddib warbaahinta la hadlay waxaanay dhamaantood meel adag iska taageen xad-gudubyo lagu sameeyo xuduudaha Somaliland.
War murtiyeedka laga soo saaray Kulankaasi oo uu Madaxweyne Siilaanyo warbaahinta u akhriyay ayaa lagu sii yidhi “Waxa jirta in ay Somaliland hore u caddaysay mawqifkeeda ku aaddan nabad ku wada noolaanshaha iyo degenaanashaha mandaqadda oo aanu aaminsanahay in ay cid walba dani ugu jirto.
Waxaanuse kor iyo hoosba u sheegayna in ay qadiyadda Somaliland lama taabtaan tahay, dawlad, xisbiyo, Barlamaan iyo shacbiba in aanu heegan u nahay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda Qaran-nimada Somaliland.
Wadamada aanu deriska nahay iyo beesha caalamka waxaanu jecelnahay in aanu nabad ku wada noolaano, mana ogolin farogelin dabadeed mid siyaasadeed iyo mid militari toona oo dhulkayaga iyo dalkayaga qadaf ku ah.
Shacbiga Somaliland waxan ugu baaqaya in ay u soo wada jeedaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabadgelyada Qaranka.
Hadalka ka soo yeedhay Somaliland ayaa jawaab u noqonaya baaqyo caalami ah oo maalmihii la soo dhaafay Wadamada Maraykanka iyo midowga yurub ka soo saareen dagaalada soo noqnoqday ee ka dhacay Gobolka Sool.
Baaqyada ayaa lagu soo jeediyay inay Somaliland ciidamaddeeda kala baxdo Deegaamada Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay Puntland ku muransanyihiin.
Dhawaaqa ka soo baxay Somaliland, wuxuu maalin ka soo soko marayaa weerar gaadmo ah oo shalay lagu Taliye aag iyo askar ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, kuwaasoo lagu soo weeraray deegaanka Dharkayn geeye.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com