Hoos ka Daawo Mulkilaha Shirkada SBS iyo xubno kale oo Shirkada Dahabshiil ka difaacay Eedeymo uga yimi Taageerayaal kulmiye ah
Hargeysa(GNA)-Xubno Ganacsato ah ayaa Shirkadda Dahabshiil si adag uga difaacay Eedeymo uga yimi Odayaal iyo waxgarad habeenkii Jimcaha kulan ku qabtay Magaalada Hargeysa, oo ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga wali kala qaybsan ee Kulmiye, kuwaasoo taageersan garabka Guddoomiyaha Xisbigaasi.
Ganacsatadan oo daba socday hadal laga jeediyay kulan lagu taageerayay Musharaxnimada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, kaasoo nuxurkiisu ahaa inaanay Bulshada Deegaamada Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa wax lacag ah dhigan Xawaalada dahabshiil, cidii bug-xisaabeedyo uga furanyihiina ay kala baxaan, ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid gef ah oo aan qaban shirkada Dahabshiil.
Xubnahan ayaa sheegay inaanay shirkadda Dahabshiil u qalmin hadal qalafsan iyo qadaf kale toona, tahayna shirkad kaalin mug leh kaga jirta horumarinta dalka.
Ganacsatadan waxa ka mid ahaa Mulkilaha Shirkadda Jaadka soo dejisa ee SBS iyo xubno kale, waxaanay si cad carabka ugu adkeeyeen in Dahabshiil dalka iyo dadka u adeegto, ahayna Shirkad loo nisbeeyo arrin siyaasadeed iyo k mid qabyaaladeed toona.
Siciid Axmed Abokor (Siciid Barje Saafi) oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay Ganacsatadani maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa ayaa sheegay “Anigoo ku hadlaya Magaca ganacsatada Somaliland ee Gobollada dalka oo dhan, waxaan aad uga xumahay hadalo ka soo yeedhay Nin Oday ah oo aan u malaynayo inay si sibiq ah uga soo baxeen ee aanu u badheedhin, oo ay hadalkaa ku keliftay uun sidaan u malaynayo cadho saayid ah iyo caadifad, ninkaa odayga ah oo Shirkadda dahabshiil duray.
Hadaba waxaan leeyahay Shirkadda Dahabshiil, qabiil malaha, qof malaha, qaranka Somalilandbaa leh, dalka qurux iyo qiimo ayay u soo kordhisay, markasta oo ay aafo qaran dhacdona, sida Abaaraha , Biriijyadii go’ay iyo dhamaan Baahiyaha oo dhan waa shirkadda ugu horaysa ee u gurmata dadka, markaa waxaan odhan lahaa dadweynaha reer Somaliland cadiifada halaga daayo”ayuu yidhi Siciid
Waxaanu intaasi ku daray“Anigu shirkada dahabshiil Account-baan ku leeyahay, lacagtaan dhigtaa waa aamin, markaa wax uga baahn qabiil naguma siiyo ee si caadi ah ayaanu uga amaahanaa, noo siiyaa,markaa waxaan leeyahay cid kasta haday tahay Hay’addaha madaxbanaan iyo kuwa Dawladba dahabshiil waa shirkad aamin ah”ayuu yidhi.
Xasan Cabdi Maxamuud oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil dalku u baahanyahay,
Waxaanu yidhi “ Dahabshiil waa Urur Dalku aad iyo aad ugu baahanyahay, ninkaa odaygana ah waxaan u malaynayaa inay iskaga qaldameen Ganacsiga iyo siyaasaddu”.
Halkan ka Daawo hadalkooda oo dhamaystiran:
Hadalka labadan ganacsade ayaa imanaya xili maalmihii ugu dambeeyay ay isa soo tarayeen dhaliilaha ay qaybaha Bulshada Somaliland ku durayaan eeddeymaha Shirkadda Dahabshiil looga soo jeediyay Khilaafka Xisbiga kulmiye.
Guddoomiyaha Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo shalay warsaxaafaddeed soo saaray ayaa gef ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay xubnaha taageerayaashiisa ka tirsan ee Shirkada maagay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@Gobanimonews.com