Xulka qaranka Mexico ayaa ku durduriyey oo 1-0 ku dhaafay kooxda kubada cagta ee Camaroon, kulankii labaad ee ciyaaraha koobka aduunka, ciyaar caawa ku dhex martay garoonka Arena das Dunas ee wadanka Brazil.
Kubad ay si fiican u soo dhiseen xidigaha xulka Mexico, oo uu meel fiican ka hellay Dos santos, goolkana uu si fiican ugu toogtay , ayaa waxa ku guulaystay inuu soo celiyo goolwadaha Camaroon , laakiin kubadii soo noqotay ayuu si fiican u dhamaystiray Oribe Peralta ayaa ugu filaatay xulka qaranka Mexico inay 1-0 ku dhaafaan kooxda Maroodiyaasha Afrika ee Camaroon.
Ciyaartan oo ahayd tii labaad ee Grpoup-ka A oo ay xallay tii koowaad isku haleeleen Brazil iyo Croatia ayaa 3 dii dhibcood sidaas ugu gacan galleen Mexico.
Brazil iyo Mexico ayaa min 3 dhibcood leh , halka Camaroon iyo Croatia aanay wax dhibco ah lahayn.