Friday, June 13, 2014

Maxaa ku cusub Duulimaadyada Daallo Airline 2014?Warbixin


vlcsnap-2014-06-13-20h27m23s74Hargeysa(GNA)-Cismaan Maxamed Axmed waxa uu ka mid yahay Saraakiisha sar sare ee Shirkada Duulimaadyada geeska Afrika iyo dunida kale ee Daallo Airline.




 “waxaanu sida ugu dhakhasaha badan u soo kordhinaynaa duulimaadyo cusub”ayuu yidhi isagoo ka waramayay duulimaadyada ay shirkadu ugu talo gashay macaamiisheeda xiligan iyo xagaaga sanadka 2014.




“waxaanu keenay diyaaraddo cusub oo EU-da ka diwaan-gashan oo caalamka oo dhan tegi doona. Waxa hada shaqeeya oo duulimaadyada ka fuliya meelaha aanu tagno diyaarado AIRBUS ah”ayuu cismaan hadalkiisa raaciyay.




Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo ayaa adeegga diyaaradaha dalka ka bilowday 1994-kii xili Dagaallo sokeeye ka dhacayeen, siyaasiyan aanu jirin nidaam cago adag ku taagani.




iyadoo wakhtigaasi ku bilowday shaqada diyaarad yar oo lix qof qaada, waxaanay tan iyo xiligaasi la soo jiiftay fidinta adeegyada isu socodka gudaha iyo dibada  dalka.




“waxaan ku soo safarnay jawi aad u wacan oo ilaa saacad iyo badh ah ayaan ku soo jirnay”sidaasi waxa sheegtay sacdiya Maxamed Cali oo Muqdisho kaga soo safartay Diyaarada Air Bus Daallo Airline.  vlcsnap-2014-06-13-20h47m16s231




Waxaanay intaas ku dartay “Shaqaale aad u fiican oo soo dhaweyn leh ilaa xafiiska Muqdisho iyo Madaarka ayaan kala kulanay. Cunto fudud iyo adeeg fiican ayaan diyaarada dusheeda ku aragnay”ayay hadalkeeda raacisay.




Cabdi iimaan oo ah Oday Soomaaliyeed oo Diyaaradan Muqdisho kaga soo sadcaalay, kuna sii jeeday Djibouti ayaa wariyeyaasha ugu waramay diyaarada Daallo dusheeda, waxaanu sheegay inuu muddo dheer la soo macaamilayay Shirkadan.




“Daallo Airlines waa diyaarad iman soo shaqaynayaysay Marxalado badana soo martay, waxaanse isleeyahay marxalada ay hada maraysaa waa tii ugu wanaagsanayd”ayuu yidhi.




“Rag badan ayaa u soo dhabar Odaygay inay heerkan soo gaadho ay ka mid yihiin Yuusuf, Colaad iyo niman badan oo kale”ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdi Iimaan.




“saaka markaan soo raacnay diyaarada ilaa hada oo aan hargeysa joogo, waxaan ku socdaa Djibouti, adeeg fiican, khidmayn fiican iyo raali gelin ayaan ku arkayay hablaha ka shaqaynaya gudaha diyaarada iyo shaqaalaheeda kale”ayuu sii yidhi.




Daallo Airline waxa lagu tilmaamaa Sharaa’iga bilowgii dib u soo kabashada dalka u badheedhay khatar kasta oo jirtay inay dadka u adeegaa, isla markaana isku xidhaan Boqolaalka kun ee dibadaha uga maqnaa dadkoodii gudaha dalka ku baro kacay iyo kuwii waddanka ku sugnaa ee duruufaha adag kala soo laabtay Xeryaha Qaxoontiga.vlcsnap-2014-06-13-20h27m53s75




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@Gobanimonews.com