Sunday, June 15, 2014

Hargeysa: Machadka Faafinta Islaamka oo Isqarxinta iyo Tahriibta ka wacyi geliyey Arday


vlcsnap-2014-06-16-06h05m17s242 Hargeysa(GNA)-Machadka Faafinta Diinta Islaamka ayaa barmaamuj wacyi-gelin ah ka fuliyay Machadka Jiil Al-jadiid oo ka mid ah Dugsiyada aan dawliga ahayn  ee Magaalada Hargeysa.




Munaasibad balaadhan oo  lagu qabtay xarunta Machadkan, ayaa  Ardayda loogu jeediyay Muxaadiro ku saabsan, Cibaadada, Waalid caasinimada, tahriibka, Balwadaha kala duwan ee dhaqanka iyo Diinta islaamka u xun, isqarxinta iyo waxyaabaha kale ee Diinta ka soo horjeeda.




Kulankan wacyi-gelinta ah ee loo qabtay ardayda Iskuulka Jiil-aljadiid, ayaa waxa ka qayb galay Masuuliyiinta Machadka Faafinta Islaamka, Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga iyo Ardayda dugsigaasi wax ka barata, waxa ugu horayn hadal ka jeediyay Maamulaha Dugsiga Jiil  al-jadiid Maxamuud Xuseen, kaas oo si weyn u soo dhaweeyay Barmaamujka ay Machadku u qabteen Ardayda.




Xuseen ayaa sheegay inay si diiran oo kal iyo lab furan ah u soo dhaweynayaan Culimada halkaasi Muxaadirooyinka ka jeediyay, isla markaana ay daruuri tahay in xumaha layska wacyi-geliyo wanaaga lays faraa.




Ardayda Dugsiga wax ka barata ayuu sidoo kale u soo jeediyay inay ku camal falaan farriimaha Khayriga ah ee ay culimadu fareen, waxaanuu yidhi “Ardayda waxaan leeyahay waa inaad ka faa’idaysataan wixii halkan laydiinka sheego oo aad ku camal fashaan”ayuu yidhi.




Guddoomiyaha Gobolka Hawd u qaabilsan Machadka Faafinta islaamka Sheekh Cumar Jaamac Ducaale oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa ka waramay qiimaha ay leedahay isku baraarujinta Wanaaga iyo dariiqa toosan, isagoo xusay inay waajib diiniya ay tahay in  xumaha layska waaniyo wanaagana lays faro, waxaanuu yidhi “Islaamku waxbuu ina faray, waxna wuu inaga reebay, waxaanu intaasi ku daray “Islaamku wuxuu ina faray inaynu Caabudno ILAAHAY  SWT iyo in Camal saalix ah lala yimaaddo, Ilaahay wuxuu inagu waajib yeelay inay Salaada tukano, salaaddu waa shayga qudha ee kala saaraya qofka Muslimka ah iyo qofka aan muslimka ahayn”.




Sheikha ayaa waxa kale oo uu intaasi raaciyey isaga oo hadalkiisa sii wata “Ardaydu waa inay salaada Tukadaan, haday tukan waayaan waa in lagu amraa, inanka ama inanta Salaada Tukan wayda waa lagu garaacayaa”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Sheikh Nuux Wacays oo ka mid ah Culimada Machadka Faafinta Islaamka oo isaguna halkaasi ka hadlay aaya sheegay inay dhamaan Gobolada oo dhan ka soo qabteen Barmaamujyo noocan ah oo dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada lagaga wacyi-gelinayo falalka ku lidiga ah Diinta islaamka iyo Dhaqanka Suuban.




vlcsnap-2014-06-16-06h04m52s237Ugu dambeyn Sheikh Xasan Qorane oo ah Isuduwaha Hawlaha Machadkan ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa halkaasi Ardayda uga soo jeediyay muxaadiro qiimo badan oo ku saabsan Cibaaddada, u samo-falka waalidka iyo inay ardaydu ka fogaadaan waxyaabaha fawaaxishka iyo dhibaatooyinka nololeed ku yeelanaya Mustaqbalkooda.




Waxa uu sheikhu u soo jeediyay Ardayda inay Alle u keli yaalaan Cibaaddada iyo Camalka Suuban, iskana jiraan Aafadda tahriinta iyo Afkaarta qaldan ee Diinta loogu soo gabado, sida isqarxinta iyo wixii la hal maala.




Maaha markii ugu horaysay ee Machadka Faafinta Islaamku barmaamujyo bulshada lagu baraarujinayo oo Khayri ah ka qabto dalka, hase ahaatee waxay hore kulamo noocan ah ugu qabteen  gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaasoo ay dadka kaga wacyi geliyeen inay ka dheeraadaan ficilada ka soo horjeeda diinta Islaamka, kuna camal falaan Acmaasha lagu waajib yeelay.