Sunday, June 15, 2014

Canada oo Safiir u soo dirsatay Soomaaliya


 canadaasMuqdisho-15-Juun-2014-(GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka gudoomay Safiir Cusub oo ay Dowladda Canada u soo magacaawday Dalka Soomaaliya.




Mr. David Angel oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Canadda u soo magcaawday Soomaaliya ayaa Madaxweynaha u gudbiyey fariiin uu uga waday Madaxweynaha Dowladda Canada, waxaanu Sidoo kale Safiirku Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida looga aqabalay warqadda aqoonsiga, isagoo  ballan-qaaday inuu bilow u noqon doono xoojinta xiriirka labadda Dowladood.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyey safiirka cusub, isagoo ka dalbaday inuu ka shaqeeyo sidii ay labada waddan isugu soo dhawaan lahaayeen.




 " Waxaan ka fileeynaa Mr David inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada Dowladood, Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay u fududeyso howlahiisa" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh.




Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale uga mahad-celiyey Dowladda Canada sid ay u soo dhaweyso Soomaalida faraha badan ee ku nool dalkaasi kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka qaata dib-u dhiska Dalkood Soomaaliya.




Sufaro ka socda Dalalka caalamka ayaa ilaa sanadkii hore ku soo qul-qulayay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya, halkan oo ay dawladdo badani dib uga furteen Safaaraddahooda 22 sanno oo dalku bur-bursanaa kaddib.Canada




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com