Saturday, June 14, 2014

Fifa oo seddex bilood kuganaaxday Franz Beckenbauer.


FIFA ayaa ganaax kusoo rogtay Franz Beckenbauer oo kamid ah halyeeyadii kubada cagta, Franz ayaa seddex bilood kafogaan doono ka qeybgalka howlaha laxariiro kubada cagta.




75518259_75517432-533x300




Fifa ayaa shaacisay inay ganaax kumeelgaar ah ay kusoo rogtay Franz Beckenbauer oo kamid ah halyeeyadii kubada cagta ee soo maray Germany, sagaashan maalmood ayaa lagu sheegay in Franz uusan ka qeyb qaadan doonin wax howl kusaabsan kubada cagta.




 




Fifa ayaa ganaaxaan kufaahfaahisay bayaan ay soo saartay iyadoo usababeesay in Beckenbauer uu jabiyey sharciyada akhlaaqda ee uyaalo FIFa isagoo diiday inuu caawiyo Guddiga Anshaxa oo waday dabagal socday.