Tuesday, June 17, 2014

Hargeysa: Askari Bilays ah oo saddex qof Dhaawacay


Hargeysa(GNA)-Magaalada, Askari Bilays ah ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad rayid ah, waxaana la sheegay inay xabaddu ka qaraxday.




Dhacdadan ayaa ka dhacday meel suuq ah  oo afaafka hore ee xarunta Bangiga dhexe, halkaasoo nin ka mid ah Askarta Ilaalada Bangigu Baas ku furay Nin Gaadhi watay oo sida la sheegay amar diido ku sameeyay markii askartu joojisay.




“askarigu wuxuu hortaagna gaadhiga, dabadeed ninbaa soo kala dhex galay gaadhigii ay askartu hortaagnayd iyo Askariga xabada riday, kaddibna xabadda qaraxday ayuunbaan maqlanay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay qof goob-jooge ahaa.




Waxaanu intaas ku daray “gaadhi wuxuu taagnaa ka soo horjeedka bangiga haadka dhina midig ee Laamiga, kaddibna askarigu markii ay xabadda u horaysaa qaraxday ayuu qoriga fooriyay”ayuu goob-jooguhu intaas raaciyay.




Afar qof oo uu ku jiro Askariga Xabadda riday ayaa ku dhaawacmay dhacdadan.




Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay ayaa sheegay inay Askariga xabaddu ka qaraxday.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com