Tuesday, June 17, 2014

Kooxda Chelsea Oo Dib Usoo Celisay Xiisahii Ay U Qabtay Saxiixa Wayne Rooney.

Naadiga Chelsea ayaa dooneyso inau markale ka cadheysiiso kooxda Man United kadib markii ay sheegtay inay laacibka waaya araga ah Wayne Rooney heshiis lasoo saxeexan doonto , inkastoo xidigan Man United heshiis waqtigiisa dheer yahay u saxeexday sidoo kalena uu haatan yahay xidiga aduunka ugu mushaarka badan hadana Rooney lama hubo inuu baaqi kusii ahaan doono garoonka Old Trafford waay xidigan tayada wanaagsan kalsooni buuxdo kama haysto macalin Luis Van Gaal.

Sidoo kale booskiisa weerarka kama cayaari doono xili cayaareedka dambe labaad arin ayaa ku qasbi doonaa inuu Rooney mustaqbalkiisa cayaareed meel kale kasii wato.

Sidaa darteed wargeska Daily Star ayaa sheegay in Chelsea ay miiska u saari doonto dhigeeda Man United £40m waana qiimo lacageed oo haatan lagu qiimeeyo Rooney waxaana naga xasuusin ah in bilawgii sanadkan Chelsea ku dhawaatay saxeexa Rooney.

Man United aya ka diiday waxana markaas hogaanka Man United haayay David Moyes balse haatan sheekada way isbadashay waxaana kooxda la wareeay Van Gaal oo aan jecleesanin hab dhaqanka iyo qaab cayaareedka Rooney wuxuuna tababare Van Gaal ku fikirayaa inuu xili cayaareedka dambe iska garab cayaarsiiyo Van Persie iyo Robben oo haatan xulka Holland weerarka uga wada cayaara.

Sida darteed waxaa macquul ah in United lacagaha ay iibka Rooney ka hesho inay dhankeeda Robben kusoo gadato xagaagaan gudahiis.