Tuesday, June 17, 2014

Ganacsatada Soomalida ee Xaafada ISLII oo u qaxaya Dalal kale


Islii-oo-weli-la-isku-horfadhiyo-620x330Nairobi(GNA)-Ganacsatadii xafada islii ee magalada nairobi ee dalka kenya ayaa bilaabey in la guuran balayin lacagta kenya ah iyagoo u guurey dalal dariska la ah dalka kenya sida uganda iyo Rwanda,  kadib howl gallo ay ciidamada amniga kenya ka sameeyeen xaafada islii.




Arrintan ayaa samayn ku yeelan karta dhaqaala Kenya, waxaanay ka dhalatay markii ay ciidamada Kenya ka billaabeen xaafadaas  howl gallo ay ugu magac dareen Usalama watch oo macnaheedu yahay sugida ammaanka oo sitoos ah loogu beegsaday dadka somalida ah.




Ciidanka ayaa sheegay inay xaafadan kaga saarayaan  argagixisada iyo dadka bila sharciga ah.




Arintan ay ganacsatadu uga guurayaan kenya ayaa dalkas waxay ku keni kartaa dhibaato dhinaca dhaqala ah.




Dalalka Uganda iyo Rwanda ayaa ah kuwo markii hore ganacsigu usii mari jirey dalka Kenya.




Ganacatada oo intooda badan la qabsadeen dalka kenya ayaa hada bilaabey inay ka guuran.




Waxaanay intooda badan u arken in dalalka kale ee gobolku uga amni badan yahin.




Qiyaastii 20,000 oo ganacsato ah ayaa wada qorshe ay ku doonayaan inay ugu guuraan dalalka imaradka carabta ,Tanzania,somalia,malawi.mozumbique,uganda,iyo Rwanda.




 




Abdirahmaan buurdhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email:  buurdhaab4@gmail.com




Sent from my Nokia