Monday, June 2, 2014

Golaha wada-tashiga Somaliland oo ka digay muddo kordhin Madaxweyneha loo sameeyo


Daawo Video Shir jaraa'id oo ay qabteen: Waxay si adag u naqdiyeen Hawl-galadda RRU-da loo isticmaalay iyo Habka xukuumaddu ula dhaqmayso xisbigeeda




???????????????????????????????Hargeysa(GNA)-Golaha Siyaasada dhinaca Mucaaridka u janjeedha ee Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka la baxay ayaa mar kale xukuumadda ku eeddeeyey talaabooyinkii ay qaaday usbuucyadii u dambeeyay.




Waxaanay hab siyaasaddeed u dureen fariintii shalay Madaxweynuhu ka soo saaray xaaladaha ugu dambeeyay ee dalka ka taagan.




Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo hore deg deg uga jawaabi jirtay eeddeymaha Mucaaridku u soo jeediyaan, ayaa haatan kaga mashquushay hawlahaas xiisada ka dhex aloosan xisbigeedda oo ay ilaa heer madaxweyne Dagaal kula jirto hogaanka Xisbigeeda.




Siyaasiyiinta ku bahoobay daladdan, ayaa si kulul u cambaareeyey hawla-galadii Ciidanka RRU-du waxyeeladda ku geysteen iyo dhacdooyinka kale ee dalka ku soo kordhay intii Muranka xisbigu socday.




Xubnaha Madasha wada-tashiga oo shir jaraa’id oo ay u dhanyihiin ku qabtay Hargeysa ayaa sidoo kale ka digay Muddo kordhin Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa loo sameeyo.




Halkan ka Daawo Shirka Jaraa’id oo dhamaystiran: