“ma jirto cid Madaxtooyada ii diiday inaan galo.. aniga iyo Madaxweynah…”Waraysi
Hargeysa(GNA)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa meesha ka saaray jiritaanka war Mareegaha wararka qaarkood lagu baahiyay oo sheegaya in Wasiirka Maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay laga hor-istaagay inuu galo aqalka Madaxtooyada.
Mareeggaha Warkan qoray , ayaa sheegay in Ciidanka Illaalada Madaxtooyaddu Wasiir Sacad oo Gaadhigiisa lagu waddo ay ku joojiyeen albaabka, kaddibna ay ku war-geliyeen inaan xiligaas la ogolayn inuu galo Qasriga.
Hase ahaatee Wasiir Sacad Cali Shire oo Caawa khadka Taleefanka ugu waramay Wariye Saleeban Cabdi Cali oo ka tirsan Wakaaladda Wararka ee Gobanimo News Agency, ayaa sheegay inuu warkaasi waxba kama jiraan yahay.
“Mareegta Halbeeg, waxay qortay in Habeenkii Jimcaha lay diiday inaan Madaxtooyada galo oo laygu yidhi xiligan lama ogola inaad gasho iyo inaan diiday amar madaxweynaha iyo marwdiisu igu siiyeen inaan tago Magaalada Berbera, markaa warbixinta halkaa lagu qoray xarafka u horeeya ilaa ka u dambeeyaa waa been cad”ayuu yidhi.
Aniga, Madaxweynaha iyo Marwada Qaranka waxa naga dhaxeeya is ixtiraam iyo qadarin. madaxweynahana wada shaqayn fiicanbaa naga dhaxaysa amarka kuma diidi karo meeshii laygu yidhaahdo shaqo ka soo qabo, madaxtooyadana waxaan qadarin ahayn kalama kulmo markaan tago”ayuu yidhi Dr. Sacad.
Wasiirka oo sii hadlaya ayaa yidhi “anigu Madaxtooyada maan tegin jimcihii, Gaadhigayga anigaa watay oo darawal iima waddan”- “Markaa waxaan Warbaahinta u soo jeedinayaa inaanay xad gudub noocan ah kula kicin oo ay ilaaliyaan doorka ay ku leeyihiin waddanka”.
Aragtidiisa Khilaafka kulmiye
Wasiirka oo aanu waydiinay in Warbaahinta Warkan qortay la soo xidhiidheen oo ay wax ka waydiiyeen, ayaa yidhi “Maya wax layga soo waydiiyey ma jirto warbixinta la qoray,waxay yidhaahdeen waa tibaaxyo nasoo gaadhay.
Markaa Warbaahintu door muhiim ah ayey ku leedahay harumarka wadanka, haday tahay dhinaca dhaqaalaha ama dhinaca bulshada ama dhinaca siyaasada. Si hadaba ay xilkeeda u gudato waa in ay ilaaliso xaqqa lagu leeyahay oo ah in ay run ka sheegto wixii dhaca, beena ka sheegin waxaan dhicin”ayuu yidhi.
Wasiir Sacad ayaan ugu dambeyn waydiinay,Adigu sidaad u aragtaa Khilaafka Kulmiye iyo saameynta uu ku yeelan karo dalka?
Waxaanu ku jawaabay sidan “Waxaa jira khilaaf yar oo kulmiye dhexdiisa ka jira. Guurtida ayaa arinka imminka gacanta ku haysa, waxaanu rajaynay in khilaafkaa dhakhso xal looga gaadho.
Waa arrin fudud laakiin haddii la weyneeyo oo la marin habaabiyo khalkhal iyo dhibaato weyn ayuu wadanka soo gaadhsiin kara”ayuu yidhi.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office