Xoghayaha Cadaaladda iyo Xuquuqal Iinsaanka ee xisbiga UCID ayaa mar kale ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay Musharax Baarlamaani ah, xili doorashada Golaha la soo doortaa muddo dhaaftay markii saddexaad.
War qoraal ah oo uu saaray ayuu ku sheegay Xuseen Xasan Badmaax inuu u tartamayo xildhibaan Wakiillada ah iyo in loo baahanyahay in wax ka bedel lagu sameeyo qaabka lagu soo xulanayo xubnaha Musharaxiinta Goleyaasha la soo doorto.
Warsaxaafaddeedka uu soo saaray ayaa u dhignaa sidam:
Ku:Gudoomiyaha Xisbiga Ucid
Og:Musharaxa Madaxweyne-Ucid
Og:Gudida Fulinta
Og:Xoghayaha G/Dhexe
Og:Xoghayaha Guud
Ujeedo:OGEYSIIS
Mudanayaal waxa aan mar labaad idin ogaysiinayaa manta oo ay taariikhdu tahay 01 June 2014 inaan u taaganahay tartanka loo gelayo doorashada wakiilada,musharaxnimadayduna waxay ku salaysantahay aragtida hoos ku xariiqan:
Aniga oo raacaya xeerka iyo siyaasadda xisbiga ucid waxa lama huraan ah in wax laga bedelo qaabka iyo habka loo soo xulo musharaxiinta golaha wakiilada.Waxa hubaal ah inaynu waayo-aragnimo u yeelanay qaladaadka iyo kalsooni darrada ka dhashay xubnaha mar kasta xisbigu ku tix geliyo beelahu cida ay keenaan.Tan oo keentay inuu xisbigu maanta ka madhnaado golaha wakiilada marka laga reebo xildhibaan Qabile.
Xisbiga ucid waxa hor taal inuu wax badan ka qabto hab-beeleedka mar kasta curyaaminaya kobcinta dimuqraadiyada.Sidaa darteed waxa haboon xisbigu inuu xulka sameeyo daraasad lagu kala saarayo musharaxiinta isu diyaarinaya inay ka mid noqdaan golaha wakiilada.Waxa loo baahan-yahay musharaxiintu inay mabda’ ahaan siyaasada xisbiga rumaysan-yihiin.
Waxa aan rumaysanahay inaan ka mid ahay raga xisbiga bud dhigga u ah ee ku shaqayn doona siyaasada xisbiga.
Allaa Mahad leh
Xuseen Xasan Badmaax
Xogh.xuquuqul insaanka
UCID
Hargeysa/JSL