Tuesday, June 17, 2014

Guddida Doorashadda Somaliland iyo Asxaabta Siyaasadda oo ka wada hadlay Diwaan-gelinta


Hargeysa(GNA)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Asxaabta Siyaasadda ayaa kulan ka yeeshay diwaan-gelinta Doorashooyinka iyo duruufaha ku xeeran Doorashooyinka soo socda.




Kulankan oo ka dhacay Xarunta Komishanka ee Magaalada Hargeysa, ayaa ahaa mid aan saxaafada loo ogolayn oo albaabadu u xidhanyihiin, waxaana ka qayb-galay hogaamiyeyaasha saddex xisbi Qaran iyo xubnaha Guddida doorashooyinka.




Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ayaa Somaliland hal mar laga qabtay sanadkii 2008, taasoo lagu qabtay Doorashadii Madaxtooyada ee sanadkii 2010 dalka ka qabsoontay oo qudha, wixii ka dambeeyayna laysku raacay in la joojiyo, khaladaad badan oo ku jira awgeed.




Diwaan-gelinta Doorashooyinka muddo dhaafay ee soo socda iyo ta madaxtooyada oo sanad qudha ka hadhsanyahay, ayaa dhawr jeer laga dooday sidii loo sameyn lahaa, hase ahaatee ilaa hada laguma guulaysan in la soo hadal qaado mooyaane.




Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta siiyay warbixin kooban oo ku saabsan wixii kulankaasi lagaga wada hadlay, ayaa sheegay in laysku waafaqay in diwaan-gelin macbal ah la sameeyo intaan la qaban mid sax ah oo  doorashooyin lagu galo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@Gobanimonews.com