Taliyaha Qaybta Bilaysku wuu hurday, Xafiiska Dawladda hoose wuxuu cidla, Badhasaabka Gobolkuna Magaalada Caynabo ma degena…Akhri Warbixin Wariyeyaasha GNA
Caynabo(GNA)-Xafiisyada Magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar iyo kuwa looga taliyo ayaa ah kuwo aan gebi ahaan wax shaqo ahi ka socon saacadaha shaqada ee Maalintii. 
Xafiisyada Dawladda ee Magaalada Caynabo oo Wariyeyaasha Gobanimo u kuur galeen sida ay shaqadu uga socoto ayaa Goobtii ugu horaysay aan sagaalkii Subaxnimo kormeerka ka bilawnay waxa ay ahayd,wasaararada Horumarinta reer Miyiga oo gabi ahaanba iriduhu u laabnaayeen.
Hoolka Dawlada hoose ee Magaalada caynaba ayaan iyana wax shaqo ahi ka socon isla markaana aanu qof shaqaale ah madax iyo minjo toona cid joogtay jirin, xataa maayirka la soo doortay.
Hoolka shirarka Dawladda hoose wuxuu xarumo u yahay Wasaarada Ganacsiga,Kastanka,Xisaabaadka iyo Xeer ilaalinta,kuwaas oo dhamaantood xafiisyadoodu qafulaayeen.
“meeshani shhaqo kama socto oo waa meel la yaableh,meeshan waxa ka jira hadii nala waydiiyo waad fajici lahayd”sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadwaynaha reer cayanab ah oo ku sugnaa xarunata Dawlada hoose ee magaaladaas.
xarunata wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa iyana ka mid ahayd goobaha qufulku sudhnaa.
Xafiiska Maamulka Gobolka oo ah halka ugu saraysa ee looga arimiyo laamaha dawlada iyo gobolka oo aanu kormeerkaas ku tagnay abaaro tonbankii sunbaanimo ayaan wax shaqo ahi ka socn oo aanu maamulka gobolku ku sugnayn.
Cisbitaalka Magaalada Caynaba oo aan cagaha galiyay ayaanay ka socon wax adeeg ah, waxaana ku sugnaa mid ka mid ah shaqaalaha cisbitaalka oo qudha,kaasoo sheegay inaanay joogin isuduwihii caafimaadka iyo Agaasimihii ee uu midna magaalada joogo midna uu Burco ku maqanyahay.
Wasaaradaha kale ee aan gabi ahaan ba wax xafiisyo ah ku lahayn ayaa waxa ka mid ah Qorshaynta,hawla guud iyo ciyaaraha.
waxyaabaha xusida mudan waxa ka mid ah in Maamulka Gobolkaasi aanay Magaalada iyo gobolka ay shaqada u hayaanba aanay joogin,waxaana la sheegay in maamulada aan xafiisyadooda tegay ay badankoodu magaalada ka maqan yihiin, Sida Gudoomiyaha Gobolka Saraar,Maayarka Degmada Caynaba,Isuduwaha caafimaadka, halka aanay ku xigeenadooda iyo xoghayaashoodu aanay xafiisyadaas joogin.
Xafiiska Taliyaha qaybta Booliska oo ah hogaanka ugu sareeya dhinaca Amniga oo aan isagana tegay xafiiskiisa si aan wax uga waydiiyo dhinaca ammaanka , ayaa xoghayntiisu sheegay inuu hurdo.
Xafiisyada looga adeego Bulshada Gobolka saraar ayaa waxaa kaliya oo furnaa xiligan aan kormeerka waday Maxkamada Gobolka iyo waliba Xarunta cashuuraha Bariga oo uu ku sugnaa mid ka mid ah shaqaalaha xaruntaasi oo ii sheegay inuu maamulhii suuqa ku maqanyahay.
Xafiiskaas waxa waliba ka muuqday dayac fara badan oo boodhku dhulka jiitamayay.
isku soo wada duuboo Gobolka Saraar oo ah goob xaasaasi ah ayaa Dadwaynaha reer cayanaba walaac xoogan ka muujiyeen,hawlaha cakiran iyo maamulka fadhiidka ah ee gobolkan ka jira.
“Maayaraku masoo tooso oo inata badan wuu iska hurdaa” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah ddweynaha reer Caynaba.
Gobolka waxa sanadkan gudihiisa ka dhacay dilal faro badan oo amniga Gobolka mugdi geliyay.
Dilalkaasi ayaa ah kuwo ujeeddooyin kala duwan u dhaca, sida Anno qabiil iyo murannada dhinaca Dhulka oo ah mushkilada ugu badan keena.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Email: axmedmm9@hotmail.com