Waxa la filayaa in saacadaha soo socda dagaal ka dhaco Saax-dheer
Saax-dheer(Farriinnews) Ciidanka Qaranka Somaliland ee fadhigiisu yahay Taleex ayaa shalay galab ku Ruqaansaday magaaladda Saax-dheer ee ay ku dhuumaalaysanayaan hadhaaga kooxdii Khaatumo ee hore looga saaray magaaladda Taleex.
Wararka Farriinnews.com ka helayso Saax-dheer ayaa sheegaya inay Ciidanka Qaranku kulaalayaan magaaladda kadib markii ay ka war heleen dhaqdhaqaaqyo cusub oo ay kooxda Khaatumo ka bilowday magaaladda.
Ilo wareed Rasmi ah ayaa sheegay in kooxda Khaatumo galabta ka qaxday magaaladda ilaa hadana laga dareemayo cabsi weyn oo soo waajahday kadib markii ay ka war heleen cududa Ciidanka Qaranka ee ku soo waajahan.
Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa isna warkan xaqiijiyey, halka Ilo wareedyo ku sugan magaaladda Buuhoodle oo xidhiidh la lihi iyana sheegeen in xaaladd cakirani ka taagan tahay magaaladda kadib markii Ciidanka Qaranku ku ruqaansadeen isla markaana ay Dul dageen magaaladda.
Ma jiro isku dhac dhex maray labada dhinac, hase yeeshee sida ka muuqata waxa ka taagan saan saan dagaal oo dhici karta saacadaha soo socda, taasoo meesha ka saari doonta warar ku tidhi ku teen ah oo ay shalay la wareegayeen kooxda Khaatumo.