Saturday, June 21, 2014

Dawlada Maraykanka Iyo Qaarkamida Wadamada Reer Yurub Oo Cunaqabatayn kale Ku Soorogaya Dalka Ruushka.


Mareykanka ayaa Jimcihii waxa uu ku soo rogay cunaqabateeno todoba hogaamiye oo ka mid ah kooxaha gooni u goosadka Ukraine ee gacan saarka la leh Ruushka




Dawladda Mareykanka ayaa  sheegtay in ay isla garteen dowladaha Faransiiska iyo Jarmalka in Ruushka uu wajaho cunaqabateeno cusub haddii Moscow aanay qaadin tallaabooyin deg-deg ah si ay u qaboojiso xiisadaha ka taagan xuduudda ay la wadaagto Ukraine.




Mareykanka ayaa Jimcihii waxa uu ku soo rogay cunaqabateeno todoba hogaamiye oo ka mid ah kooxaha gooni u goosadka Ukraine ee gacan saarka la leh Ruushka, oo ay ku jiraan badhasaabyo iskood isku magacaabay.




Xilli sii horreeyay ayaa dowladda Ukraine waxa ay ku dhawaaqday xabad joojin deg-deg ah oo todoba maalmood ah oo ka hirgasha bariga dalka, taas oo Moscow ay diiday kuna tilmaantay mid waqti xadidan oo amar ah siinaysa kooxaha gooni u goosadka ah.