Saraar(GNA)Badhasaab xigeenka Gobolka saraar ahna ku simaha Gobolkaasi Ibraahin Jaamac Maxamed ayaa ka wabixiyay xaalada Gobolka, sidoo kale Badhasaabka ayaa walaac xoogan ka muujiyay kharashaadka ay ku deberaan shidaalka ee dhinaca Amniga.
Badhasaab ku-xigeenku sidaas waxa uu ku sheegay mar aanu kula kulanay hotel Isha Caynaba ee magaalada Caynaba, Badhasaabka oo warbixn kooban naga siiyay arimahaas ayaa waxa uu yidhi ''Gobalku waa Gobol Balaadhan oo waxa uu ka koobanyahay lix degmo iyo Degmadii ugu danbaysay ee hada la magaacaabay ee Ceegaag labada degmo ee ugu kala fogi waa Ceelal iyo ceegaag oo waxay isu jiraan 240 km, baaxadaas ayuu leeyahay Gobolku.
hada wax dhibaato ah oo ka taagani ma jirto, afartii dil ee ugu danbeeyey waanu dhamaynay, Bishii sadexaad Gunbur xangeeyo ayaa dil ka dhacay oo ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa waanu waynay oo buuraha ayuu naga galay, heshiisbaanu ka gaadhnay oo magtiibaa lagu heshiiyay, nabadgelayduna way wanaagsanatahay.”
Badhasaabku xigeenku waxa uu sheegay inay jiraan wasaarado aan shaqaynin, waxaanu yidhi ''wasaarado aan shaqayn baa jira oo aan gobolkan ka hawl galin, kuwaas waxa ka mid ah wasaarada Hawlaha Guud iyo qorshaynta waxaan kuu sheegayaa in ay wasaaradahaasi si dhakhso ah xafiisyadooda u dhistaan.” Ayuu yidhi
Badhasaabku xigeenka oo ka hadlaya carqaladaha haysta ee gobolka ayaa waxa uu yidhi ''carqalado way jiraan oo waxa jira dhibaato naga haysata shidaalka oo loo baahanyahay in saacad kasta oo wax yimaadaan aanu ku dhaqaajino bilayska.” Ayuu raaciyey
Ugu danbayntii gudoomiye ku xigeenku waxa uu dadka degaanka ugu baaqay in la joojiyo Ooda la oodanayo dhulka daaqsinka ah, waxaanu wasaaradaha ay ka midka yihiin, Beeraha, Degaanka iyo Arimaha guduhu ka hawl-galaan sidii loo joojin lahaa.
