Saturday, June 21, 2014

Ceerigaabo: Hay'ada FCA oo soo Gaba Gabaysay kulan nabadgelyada ku saabsan


imagesCeerigaabo(GNA)-waxaa hoolka shirarka mahuraan ee magaalada ceerigaabo lagu soo gebagabayey kulan laba cashoqaatay oo lagaga hadlayey isdhexgalka bulshada iyo adkaynta nabadgelyada ay soo qabanqaabisay hayada FCA finland. kulankan ayaa waxaa ka qaybqaatay in kabadan 80 xubnood oo isugu jirey cuqaal, culimoawdiin, haween, dhalinyaro , maxkamadaha, boliska iyo masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmooyinka ceerigaabo, laasqoray, Badhan, Dhahar, ceelafweyn iyo Garadag waxaana ugu horeyntii kulankaasi ka hadlay madaxa mashruuca nabada ee hayada FCA finland Jaamac ismaaciil nuur oo faahfaahin ka bixiyey hadafka iyo ujeedada kulankan waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan oo dhamaantoodba ku nuuxnuuxsaday amhiyada nabada iyo sida loogu baahan yahay in meel looga soo wada jeesto ilaalinta nabadgelyada ay Somaliland ku caano maashay, waxaa kaloo dhamaantood si isku mida ugu mahad celiyeen hayada FCA finland sida ay nabada gobolka ugala shaqayso waxaa kaloo iyaguna kulankaasi ka hadlay xubno aad u tirobadan oo ku hadlayey afka ka soo qaybgalayaasha oo dhamaantoodba halkaasi ka cadeeyey sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka shaqeeyaan hawlaha nabadgelyada Gudoomiye ku xigeenka gobolka sanaag ismaaciil cabdi Xasan oo gebagabadii kulankaasi ka hadlay ayaa isna dhankiisa tilmaamay muhiimada isdhexgalku leeyahay bulshada isagoo hayada FCA finlandna ku amaanay doorka ay ka qaadatay xoojinta nabadgelyada gobolka sanaag.