Saturday, June 21, 2014

Nin Hindi ah oo Warbixin ka diyaariyey Somaliland


Mr sushobhanmHargeysa:(GNA)21-6-2014- Sushobhan Mukherjee waa Khabiir dhanka Isgaadhsiinta iyo Tecnologyge-ga  Casriga ah ku takhasusay waxana uu ka yimid magaaladda Kolkata ee dalka Hindia,waxa uu safar gaaban oo shaqo ku yimid muddo todobaad ah magaalada Hargeysa,waxana uu  Somaliland ka qoray Warbixin aad u xiiso badan oo ugu magic daray Safarkeygii Bariga Afrika.




Sushobhan Mukherjee Warbixinta uu Somaliland ka  diyaariyey mudadii uu joogay waxa aabad is odhaneysaa waxba ka muu tegin tariikhada,dhaqanka,Geography –ahaan iyo dhinac kastaba waa qodobeeyey Xaaladda Somaliland waxana aanu idiin soo gudbineynaa warbixintan xiisaha badan ee ninkani Asian-ka ahi Somaliland ka amaanay waana tan.




“Magacan ma maqashay waligaa,ma maqlin hada ka hor anigu ilaa aanu safar shaqo oo ah La Taliye dhinaca Amniga ah oo ahaa tababar sida qorsheynta iyo qaabeynta Lacagaha Mobile,Hargeysi waa Caasimadda Somaliland iyada oo aan fadlan aqoontayda filaayo waxa aan ka soo bartay in aan laygu qoonsan,waxase xaqiiqdu tahay in aanan laba socon markii hore in wadan lagu magacaabo Somaliland uu jiro.




Somaliland waxa ay Xuduud wadaag la tahay Ethoipia dhinaca Koonfurta Galbeed, Waqooyigana  waxa ay la wadaagta Jabuuti,iyada oo Gacanka Cadmeedna dhinaca Bari Xuduud kala wadaagta ,waxana ay sido kale Koonfurta Xuduud kala leedahay Maamulka Putland ee Somalia,qaar badan oo ka mid ah Saaxiibadeyda ,Asxaabtayda ,Ehelkeyga iyo qaraabadeyda ayaa igula taliyey in aanan halkaasi aadin (Somaliland) waxa aan dhamaantayo u arkeynay inay inay Somaliland tahay  Xabsi iyo Qeyb ka mid ah Somalia waxanay dhamaantood dadkeygu ka cabsaneyeen inay Budhcad na qabsato,mid ka mid ah asxaabteydu waxa uu i xaasuusiyey Filimkii Hollywood-ka ahaa ee Captain Phillips,walina maan arag (film)kaasi waxana aan filyaa qisada filimkaasi in aan dhawaan daawan doono,i rumeysta  ka dib markii aan ka soo noqday (Somaliland) kaliya waxa aan is weydiinayaa su,aasha ku saabsan Geography-ga sameyskiisa waxana fikirkeyga ku aadani uu yahay wixii talooyin ah ee ka soo noqda Jikorafiga in aynu guud ahaanba aanay wax sidaasi ah loo qaadan balse balse wax laga jaro taasi oo aan xaqiiq badiyaaba aheyn”




“Runtii Hargeysa si fiican uguma xidhna Kolkata (Magaalo India ku taala) sida caadiga ah waxa aanu leenahay Diyaarad India ka timaado oo Dubia si toos ah u tagta,sidaasi darteed Safarku waa uu noo fudud yahay xoogey marka aanu (Kolkata ka nimaadno Dubia ilaa Emaarates-ka oo hadana Dubia ilaa hargeysa  iyada oo aanu raacno diyaaradda Juba  Airways ) ah kaliya todobaadkiiba hal mar”




Somaliland waxa ay Xornimadeeda Somalia kala soo noqotay 18 May 1991,ka dib dagaalo sokeeye oo dhex maray  Somalia,iyada oo dagaaladaasi ay gabi ahaanba saameeyn balaadhan ku yeesheen dalkaasi,balse imika waa wadan soo koraaya Somaliland oo dhismaha Waddooyinka iyada oo guud ahaanba si weyn u socoto dhismaha hay,addaha kala duwan iyada oo huteelkii aan ka degana Hargeysa ee (Star Hutel ee  Hargeysa) uu ahaa mid u dhaw madaarka hargeysa oo lagu tegi karo 15 ilaa 20 Minutes ah oo dhinac baabuurka ah,waxana uu hawlahii shaqo ee aanu halkaasi u tagnay aheyd qorsheynta Mashruuc aanu muddo todoba Cisho ah kagaga shaqeynaynay (Mobile Money Infrastructure) intii aanu shaqada ku jirnay mudadii aanu Somaliland joognay waxa aanu baranay oo ogaanay Geography-ga Dhaqanka iyo dadka halkaasi ku nooli kor ilaa hoos waxa ay aaminsan yihiin oo dhawr qodob ka kooban ”





  1. Magaaladu waxa  weeye mid doox u eeg ,Waddada  waxa ku hareyeysan urta Taayirada gaadiidka taasi oo aad ugu faaftay.


  2. Gaadiidka la wata dhamaantood waa qaar Nooca Toyata loo yaqaan ah.


  3. Hawadu waxa weeye mid aad u fiican oo 30 Degree  maalintii halka habeenkina ay tahay 20 Degree,gabi  ahaana Cimiladu  waa mid nadiif ah oo wanaagsan waxana aan xidhan karaayey shaadh adag oo gacmo dheero ah iyo Koodh wax dhibaato ahna la ma kulmeynin.


  4. Cedceedu waxa ay aheyd mid aad u wanaagsan iyada oo ay sabab u tahay Cimiladda oo aheyd mid nadiif ah oo wisikh ah la heyn.


  5. Waxa jira laba shirkaddood oo Isgaadhsiineed  (Telesom iyo Somtel )balse wax xidhiidh ahi kama dhexeyoo oo wada shqeyneed sida india oo kale balse iyagu maha qaar wada hadli kara, waxana xaqiiqadii jirta tahay in qof kasta oo Somaliland ku nooli uu sito laba Kaadh oo mid kasta ka mid ahi labada shirkadood leedahay.


  6. Waxa iska caadi ah Mobile-ka lacagta la dhigto,halkii ay Kaashku dhigan la haayeen/Debit Card/Credit Card.


  7. Somaliland dadku waxa ay shaqadda soo galaan 7:00 ilaa 7:30 iyada oo ay ka dibna Qadada iyo Salaada ka dib qaarkood shaqada dib ugu soo laabtaan ilaa 6:00 fiidnimo.


  8. Jimcahu waa fasax shaqooyinku.


  9. Waddanka Wax Maandooriye ah laguma isticimaalo (There is NO ALCOHOL in the country)


  10. Ma jirto meelo lagu madadaalo marka guryaha laga baxo sida Tiyaataro Aflaanta laga daawado.


  11. Dadka badankiisu kuma wada hadli karaan Luuqadda English-ka,luuqadda 1aad-na waa Afsoomali,waxana aan isku dayey in aan ka barto kelmaddo ama hadalo balse waxa aan bartay kelmad  ah Subax wanaagsan oo ah (Good Morning)


  12. ka doolar ($1 US Dollar ) waxa uu u dhigma 700 (Todoba kun oo Somaliland Shingins ah) dadku waxa ay ku shaqeystaan doolarka iyado sido kalena ay caadi tahay oo lagaa aqbalaayo Doolarka iyo Somaliland taba.


  13. Dadku waa qaar aad u wanaagsan oo Saaxiibtinimo iyo Caawimo fiican waxana aanu aad ugu faraxsanay wanaagooda aadka u fiicna.




Guud ahaan waxa  ay ii aheyd Khibrad aad u fiican oo aan ka soo korodhsaday Bariga Afrika,waxa aan filayaa in aan si dhakhso ah wadamo kale oo afriko ah sidan oo kale kala kulmi doono.




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil (Mr Hudle )




Abdiwali1991@gmail.com




Hargeysa Office/Somalialnd