Hargeysa(GNA)-Munaasibad Ballaadhan oo caawa lagu soo bandhigay 7 Buug oo diini ah oo lagu turjumay afka somaliga, ayaa lagu qabtay Hoolka hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaaladda Hargeysa.
Munaasibaddan oo ay soo qaban qaabisay Akaadamiga Akhriska Iyo Qoraalka ee Himilo, ayaa waxa ka qayb galay, masuuliyiin, madaxdhaqameed iyo dadweyne kale, waxaana munaasibaddaadi lagu soo bandhigay buugaagtan diiniga ah oo ay dadku u bogeen.
Buugaagtan oo uu qoray Qoraa Maxamed Jaamac Liibaan, ayaa waxa lagu kala magacaabay Usama falka labada waalid, weynu ku dhalanee kuma dhaqanno, Baro Waajibaadka Salaadda, Dhakhtarka Guriga, Fadliga salliga Nebiga (SCW), kuwaas oo dhamaantood ku wada qotoma sida ay diinta islaamku u wanaagsan tahay ee loogu baahan yahay in laga faa’iidaysto.
Qoraa Maxamed Jaamac Liibaan oo halkaasi waxbixin dheer oo ku aaddan buugaagtan iyo waxyaabaha ay xambaarsan tahay uga soo jeediyey dadweynihii ka qayb galay munaasibaddaasi, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leeihiin buugaagtani, waxaanuu tilmaamay in loo baahahn yahay inaynu ku wada dhaqanno diinta islaamka.
Maxamed Jaamac Liibaan, waxa uu si gooni gooni ah ugu sharaxay dadweynihii munaasibaddaasi ka soo qayb galay todobadan bug ee uu qoray, waxaanuu si tafsiiran oo afka somaliga ah ugu sharaxay mid kasta muhiimadda uu leeyahay sida uu diinta islaamka ugu qotobo dhaqanka suuban iyo u samo falka labada waalid.
Qoraa Maxamed Jaamac Liibaan, waxa kale oo uu tilmaamay in aanay jirin wax la yidhaahdo shaqo la’aan, balse ay dadku inta badan yidhaahdaan aniga oo wax bartay inaan wax maamulo ayaan rabaa, taasina aanay ahayn mid loo baahan yahay, waxaanuu ku booriyey bulshada inay shaqaystaan oo ay ku dhaqmaan diinteena suuban ee islaamka.
Guddoomiyaha Akaadamiga Akhriska iyo qoraalka ee Himilo Axmed Nasri Daahir Xuseen oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay inay mar kasta Akaadamigani soo dhoweeyaan cid kasta oo samaynaysa hal abuur oo fikiraysa, waxaanuu ugu baaqay dhalinyarada inay ku dedaalaan inay wax qoraal oo ay fikiraan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Maxamed Sheikh Cumar, Agaasimaha Waaxda Cilmi Baadhista ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Maxamed Xasan Yuusuf, xubno ku hadlayay afka bahda qoreyaasha iyo madaxdhaqameedyo ayaa iyaguna xafladaasi ka hadlay kuwaasoo qoraaga ku booriyay inuu halkaasi ka sii wado qoraalka, isla markaana uu soo saaro Kutub kale oo dadka anfacaya.
Masuuliyiintan ayaa tilmaamay in Kutubtan baahi weyn loo qabatay, isla markaana ay wax talaabo cusub oo ku dayasho mudan in Kutub Diini ah loo turjumo afka hooyo.
Dhamaantood waxay bulshada u soo jeediyeen inay iibsadaan Buuggaagtan oo ah kuwo si mugleh u anfacaya, isla mar ahaantaana mid waliba gaarkiisa aqoon diimeed oo anfacaysa dadka u xambaarsanyahay.
Gabagabadii Xafladan waxa Shahaado sharafyo la guddoonsiiyay Shirkaddo iyo Ururro gacan ka geystay soo saarista Kutubtan.
Hoos ka Daawo Sawiro
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com