Hargeysa(GNA)-War qoraal ah oo uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye ayaa Shirkadda Dahab-shiil lagaga raali geliyay hadallo siyaasaddeed oo lagu duray Shirkadaas.
Raalin-gelintan ayaa daba socota hadallo habeenkii jimcaha laga jeediyay Xaflad lagu taageerayay Musharaxnimada Muuse Biixi oo ku saabsanaa dhigashada Xawaalada Dahabshiil, taasoo xubno ka mid ah Dadkii ka hadlay ay soo jeediyeen inay taageerayaasha Kulmiye Lacagta kala baxaan Buug-xisaabeedyada uga furan Shirkadaas.
Hadalkaasoo qayb ka noqday weedhaha ay isdhaafsanayaan dhinacyada Kulmiye ee khilaafku ka dhexeeyo ee Kulmiye, ayaa Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ku tilmaamay mid gef ku ah Shirkada dahabshiil.
Warka ka soo baxay Xisbiga Kulmiye ayaa lagu yidhi “Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka raaligalinayaa shirkada Dahab-shiil hadal gaf ah oo ka soo yeedhay xubin ka tirsan xubnaha qurba jooga xisbiga kulmiye.
Dahabshiil wuxuu ka mid yahay shirkadaha safka hore kaga jira u adeegista bulshada, u samafalka shacabka iyo gurmadka hawlaha qaranka,
Sidaa daraadeed Dahabshiil iyo shirkadaha kalaba ma gayaan in lagu yidhaa waxaan qabanin.
Sida Dastuurkeenu qorayo waxaynu leenahay ganacsi xor ah, oo dalka oo dhan u adeega.
Mar kale waxaanu kaa raaligalinaynaa guud ahaan ganacsatada wixii duulduul ka soo gaadha hadalada siyaasada.
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi
Dhinaca kale, Bulshada Somaliland ayaa dhaliilay in Shirkadda Dahabshiil oo kaalin mug leh kaga jirta adeegyada aasaasiga ah hadal noocan ah loola quudho.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com