Kooxo Suniyiin ah ayaa wali gacanta ku haya Magaalooyin waaweyn oo dalka Ciraaq ah, kaddib markii dib looga riixay Magaalada Baqdaad Kooxaha Mucaaridka ah.
Ciidanka Dawladda ee Ciraaq iyo maleeshiyaad Shiico ah ayaa dib uga celiyey Suniyiinta waqooyiga Baqdad, waxaanay kala wareegeen Magaalooyin.
Magaalooyinka Tikrit iyo Masul ayaa wali ay mucaaradka suniyiinta ahi haystaan.
Diyaarado Helicopter ah ayaa si khalad ah ugu weeraray Deegaamo ku yaala Waqooyi bari ee Baqdaad Maleeshiyaad Kurdishka oo joogay meel ay ka baxeen Sunniyiintu.
Weerarkaas waxa Waxaa ku dhintay ilaa toddobo qof.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ka digay in taageerada Maraykanka ee looga hortagayo islaamiyiinta ay guulaysan karto oo kaliya, hadii hogaamiyayaasha Ciraaq ay diyaar u yihiin inay heshiiyaan.
Markabka diyaaradaha qaada ee Maraykanka ayaa la keenay gobolka dagaalka socda darteed.
Madaxweynaha Iran Xasan Roxaani ayaa goor sii horaysay sheegay inay caawinayaan Maamulka ka taliya ciraaq si looga hortago Maleeshiyaadka Suniyiinta ah.
Iraan ayaa cilaaqaad dhaw la leh maamulka Shiicada u badan ee Ciraaq oo xukunka qabsaday kadib marki xilka laga tuuray Madaxwayne Saddaam Xuseen. Xukuumadaas oo ay u badnaayeen Suniyiin