Tuesday, June 17, 2014

Al-shabaab: 50 ayaan ku Dilnay Kenya”Daawo


lshababHoos ka Daawo Sawirro iyo Warbixin faahfaahsan




Mpeketoni(GNA)-Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda Weerar miroodi ah oo xalay lagu laayay in ku dhow 50 Ruux lagu qaaday magaallo ku taalla Xeebta Dalxiiska ku wanaagsan ee Gobolka Lamu,taasoo magaceeda la yidhaahdo Mpeketoni.




Dablay hubaysan ayaa xalay saacad dambe weerarka ka fuliyay Saldhigyo Boolis, Hotel hurdo iyo goobo Ciyaaraha laga daawado oo dadku ku badnaayeen, waxaanu ahaa weerar uu ka dhashay dagaal laba saac socday oo toos ah,loona adeegsanayay hubka gacanta laga rido iyo qaraxyo.




Alshabaab ayaa sheegtay inay Weerarkan ugu aar-gudayeen culimo lagu laayay Magaalada Mombasa, isla markaana ay dileen Saraakiil badan oo ciidan iyo masuuliyiin kale. alshaba lshabaab




"Haku riyoona abid in aan nabad gelyo ugu noolaataan dhulkiina inta ay ciidankiinu dalkeena ku gummaadayaan shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo ka soo baxay Xarakaddda.




Masuuliyiinta Dawladda Kenya ayaa cambaareeyay weerarkan, waxaanay ku tilmaameen fal cadowtinimo ah.




Weerar kale oo noocan ah




Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee khasaare intaas le’eeg sababa oo ay Kooxda Alshabaab ka fuliso dalka Kenya, tan iyo markii Ciidamada Kenya gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya.




Weerar sanadkii hore dhamaadkiisii ay ku qaadeen xarun Ganacsi oo ku taala Magaalada Nairobi ayaa waxa ku dhintay inta la hubo 67 Ruux oo Kenyan u badan.




Weerarkaas waxa si la mid ah kan maanta sheegtay Al-shabaab.




Dawladda Soomaaliya




Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkan,




Wasiirro xukuumadda federaalka u hadlay ayaa sheegay inay talaabadaas muujinayso dhiigya cabnimada Al-shabaab.




Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo maanta Warbaahinta Muqdisho kula hadlay, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay wixii xalay ka dhacay Lamu.




Mahad Maxamed Salaad ayaa wuxuu tilmaamay in Dowladda Somaaliya ay aad u cambaareynayso falka Qarbudaada ah ee xalay ay geysteen rag uu ku tilmaamay inay yihiin waxa uu ugu yeeray argagaxisada.




 




Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay aad u cambaareynayaan, falkaasi, isaga oo Dowladda Kenya uga tacsiyadeeyay falkii xalay Laamu ka dhacay.




Madaxda Ammaanka ee Kenya ayaa goor sii horaysay sheegay inay weerarkaas ku dhinteen 48 qof.




Cabdiraxmaan Buur-dhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com