Muqdisho(GNA)-Dab ayaa qabsaday Wershada Isbuunyada Ramadaan xarunteeda Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Dabka ayaa gabi ahaanba waxa ku shufbeelay qaybtii wax soosaarka ee wershada, sida uu warbaahinta sheegay Maamulaha Wershadaas Axmed Xaashi Cali.
Axmed Xaashi Cali, ayaa intaasi ku daray inay wershadu gubanaysay wakhti laba saacadood ah, waxaanu dabku qabsaday 8:00 ilaa 10:00 arroornimo.
Waxa markii dambe soo gaaray goobta oo bakhtiiyay Gaadiid dam-damis ah oo Magaalada uga soo gurmaday.
Dhinaca kale, qayb kale oo wershadani ku leedahay deegaanka Ceelasha Biyaha ee isla magaalada Muqdisho ayaa dab kale ka kacay wax yar kaddib markii meesha hore la bakhtiyay.
Masuuliyiinta Wershada ayaa sheegay in dabka dambe ka dhashay Alxan Birta lagu dhalaaliyo.
Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Lafoole Xuseen Jilicow Maxamuud oo ayaa sheegay in Alxanka ay dhimbiil dab ahi ka finiintay, taasoo sababtay dabka.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa timi xili ay dambeysha xagaagu soo dhacday oo dabku halis badan leeyahay, dambeysha dhacaysa awgeed.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com