
Hadaanu nahay Dadwayanaha reer Burco waxaanu u dabaaldegnay 18 May, 18 juuna waxaanu u baroor diiqaynaa Guul daradii ka dhalatay doorashadii golaa degaanka ee Burco,taas oo laf jab ku noqotay dadkii doortay oo markii horena ku keenay qabyaalad,iminkan qoomameeyay,Xildhibaanadu may ahayn kuwo Maalqabeen ah,Ganacsato ah ama Mutacalimiin ah,amase rag kasoo shaqeeyay dalka Gudihiisa iyo dibadiisa,badankoodu waxay ahaayeen kuwo xaraamiina,markaas dadku waxay eedeen fartoodii iyo maalkoodii ay isugu dareen,oo Burco waxay ka hadhay goboladii khayrkeed ahaa waxaana dhaafay tuulooyinkii yaryaraa,waxaana kalifay laba shay mid waa aqoon la,aan Golaha degaanku leeyihiin,midina waa duuni raacnimo,wax is dhaamana ma laha oo hadii ay is dhaamaan markuu hogaanku wax qaban waayo mid dhaama ayay ku bedeli lahaayeen,waxaa cadaatay in wax is dhaama aynaan dooran,waana ayaan daro,waxayna ka shaqeeyaan muran ma dhalaysnimo ah iyo is qabqabsi dhexdooda ah,waxay u yimaadeen daqasho e wax qabad umay iman bishii waxay qaataan shan milyan iyo 1555 litir oo shidaal maalinle ah taas oo noqonaysa bishii $ 9500,lamana arag laami la dhiso hadana markiiba marka roobku da,o duma.
waxaanu Madaxwayanaha ugu baaqyanaa inuu nag soo gaadho, oo hadii laga maarmi waayo lasoo magacaabo maayar kaliya.
Aqoon la,aani waa iftiin la,aan
Xuseen Aadan Caraale
4310738 Burco