Monday, May 19, 2014

Tacsi loo dirayo Qoyska reer Cumar X. Cabdi


Dhamaan reer Cabdi Cali Siciid oo kala ah Aabo Cabdi Cali Siciid, Hooyo Faadumo Xirsi Ducaale, Cabdilaahi Cabdi Cali, Saleban Cabdi Cali. Deeq Cabdi Cali, Sahra Cabdi Cali, Nimco Cabdi Cali, Hodan Cabdi Cali, Khadra Cabdi Cali, Suleekha Cabdi Cali, Saynab Cabdi, Xaliimo Cabdi Cali, Xasan Cabdi Cali.  dhamaan reer Xirsi Ducaale oo kala ah Gaashaanle Sare Cabdi Xirsi Ducaale, Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Cismaan Xirsi Ducaale iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, Maxamuud Xirsi Ducaale, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, Dr. Maxamed Xirsi Ducaale, Xaaskiisa, Carruurtiisa iyo ubadka ay sii dhaleen caruurtiisa iyo xaasaskooda, Xiis Xirsi ducaale, Canab Xirsi Ducaale iyo caruurteeda.




dhamaan reer Jaamac Aadan, oo kala ah Awmaxamed Jaamac Aadan , xaaskiisa iyo Caruurtiisa, iyo waxay sii dhaleen , Ilma Maxamuud Jaamac Aadan iyo carruurtooda, Ilma Yuusuf Jaamac Aadan iyo  qoyska reer Ducaale Muuse iyo reer Jaamac Aadan  oo aan halka lagu soo koobi karayni rag iyo dumar.




Dadkaasoo kala jooga Dalka gudihiisa iyo dibadiisu  waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Ehelkii, Qaraabada iyo qoyska  uu ka baxay Marxuum Cumar Xaaji Cabdi oo Xalay ku geeriyooday Magaalada London ee Caasimada Dalka UK.




Waxaanay Marxuumka Ilaahay uga baryayaan inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo, Iilkana u nuuro, ,qoyska , qaraabada iyo Asxaabta uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.




INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.




Aamin……aamin……… aamin