Monday, May 19, 2014

Louis Van Gaal Oo Loo Magacaabay Tababaraha Manchester United iyo Giggs Oo Looga Dhigay Caawiye


Muxuuse Van Gaal Ka Yidhi Magacaabista Cusub ee Kooxda Manchester United




Maamulka kooxda Man United ayaa war ay soo saareen goor dhaweyd si rasmi ah ugu magacaabay Louis van Gaal in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Manchester United, halka Kaaliyihiisa koowaadna looga dhigay ciyaaryahanka caanka ah ee Ryan Giggs.




vangaal




Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United Louis van Gaal ayaa soo dhaweeyay shaqada cusub ee loo magacaabay, waxaanu yidhi “In aan tababare ka noqdo kooxda Weyn ee Manchester United, kooxda aduunka ugu weyn, waxa ay gelinaysaa farxad dheeri ah” ayuu yidhi.




Sidoo kale maamulka kooxda Man United ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in kooxdooda uu la wareego tababare Louis van Gaal.




Gabogabadiina tababare Louis van Gaal, ayaa nidar ku maray in uu dedaalkiisa isugu geyn doono sidii uu kooxdiisa cusub uga caawin lahaa in ay horumar dhinaca ciyaaraha ah gaadho.