Ber bera(GNA)-Chief Caaqil Faarax Cumar Cali oo ka mid ahaa Isin nabadeedyada Gobolka Saaxil , ayaa ku geeriyooday Magaalada Berbera, laguna aasay maanta.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo, oo caawa dhambaal tacsi ah soo saaray ayaa Marxuumka Ilaahay uga beryay inuu Janada ka waraabiyo, qoyska iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo Imaan ka siiyo.
Marxuubka ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyay dib u dhiska waddanka.
Dhambaalka madaxweynuhu soo saaray ayaa lagu yidhi sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Madax-dhaqameedka Somaliland Qoyskii Qaraabadii Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Chief Caaqil Faarax Cumar Cali oo ku geeriyooday Berbera 19.05.2014 laguna aasay.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Madax-dhaqameedkii ka soo shaqeeyey dib u dhiska dalka.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madax-dhaqameedkii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.
Gobanimonews
Berbera Office
Email: editor@gobanimonews.com