Saturday, May 17, 2014

Mudaharaad ka dhacay Boorama iyo Dad la xidh-xidhay


Dawladda hoose oo Ganaax ku soo rogtay Meherada Ganacsi ee Calanka Somaliland wajahaddeeda laga waayo




Boorama(GNA)-Mudaharaad rabshado watay ayaa fiidnimadii caawa ka dhacay Xaafadda Sh. Cali Jowhar ee Magaalada Boorama, kaasoo ay Ciidamada Bilaysku rasaas ku kala dareeriyeen dhalinyaro isu soo baxay oo Calamo la aaminsanyahay inuu ka soomaaliya yahay ruxayay.




Goob-joogeyaal ayaa xaqiijiyay in dhalinyarada dibadbaxayay, ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ha dawladda, balse ilaa hada ma cadda waxay diidanaayeen iyo cida soo abaabushay toona.




Ilo-wareedyo laga helay Bilayska Gobolka ayaa sheegaya in tiro dad ah  Bilaysku qabqabteen oo ay xidheen.




Ciidamo boolis ah oo aad u tiro badan ayaa gaafwareegayay gudaha Magaalada ilaa caawa, kuwaasoo foojignaan dhanka amniga ah laga dareemayo.




Ilaa saaka arroornimadii waxa Magaalada Boorama ka taagnaa dareen ka dhashay talaabo Maamulka Dawladda hoose ee degmadu Meheradaha Ganacsiga ku khasbeen inay Calanka Somaliland ku xidhaan wajahada Guryaha, taasoo qofkii diida Lacag Ganaax ah laga qaadayay.




Masuuliyiinta Dawladda hoose oo uu Maayirku hogaaminayo  la sheegay inay amreen in lacag u dhaxaysa $10 ilaa $5 oo Ganaax laga qaado Meheradda Ganacsi ee Calanka wajahada ku xidhi wayda, waxaanay taasi keentay buuq iyo iska hor-imaad.




Dawladaha hoose ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay Bulshada ugu baaqayey inay Calanka Guryaha iyo goobaha lagu kulmo ku xidhaan, xuska sanad guurada 23-aad ee Madaxbanaanida Somaliland awgeed.




Wariye ku sugan Magaalada Boorama ayaa sheegay inay Xaafadaha rabshaduhu ka dhaceen markii dambe degenaanshiyo ku soo noqdeen.




Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay inay arkayeen shaqaalaha dawladda hoose oo lacago Ganaax ka qaada Meheraddo ganacsi oo Calanka diiday inay sudhaan Wajahada.




Maalinta Axadda inagu soo fool leh ayaa Somaliland looga dabaal-degayaa  xuska 18 May oo ku beegan sanadkii 23-aad ee ka soo wareegay markii gooni-isutaaga Somaliland lagag dhawaaqay Magaalada burco.




Magaalada Boorama ayaa ah Magaaladii labaad ee lagu gardaadiyay gooni isutaaga Somaliland, waxaana lagu soo dhisay dawladii bedeshay nidaamkii ku meel-gaadhka ahaa ee burco lagu curiyay.




Gobanimonews




Boorama Office




Email: editor@gobanimonews.com