Hadii aynu wax yar ka taabano khilaafka xisbiga KULMIYE u dhexeeya ,waxaa lagu sifayn karaa.
Siilaanyo oo taagan abidkeyba guul igama helin gaban I waalaa
Gufaacooyinbaan ridi lahaa ee waan ka gaabsaday
Iyo jawaab celinta Muuse Biixi oo taagan.
Ninkaan buurta guradeeda dheer anigu gaadhsiiyey
Isna laanta ila goynayaan gacalkay moodaayey
Gabadhuu jeclaa iyo ninkaan gaarida u mehershay
Isna taydii guursadaan gacalkay moodaayey
Hadaba hadii aynu wax yar oo tafaasiil ah ka bixino khilaafka KULMIYE way adag tahay in la heshiiyo,sababtoo ah siilaanyo wuu ceeb u arkaa in isaga oo nool la yidhaahdo madaxweynihii hore ee Somaliland inta badana wuxuu ku dhadharsataa Marxuum Cigaal waxaanu doonayaa in geeri mooyaane uusan wax kale kaga tegin kursiga ,muuse biixna wuxuu taagan yahay markii uu eegay xisbiga KULMIYE iyo heshiiskii hore loo wada galay ee beesha siilaanyo iyo beesha Muuse u wada galeen in uu xaq u leeyahay in uu noqdo musharaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE.
Arintaasi hadii aan halkaasi kaga gudbo oo aan soo qaato hadalkii uu warbaahinta siiyey gudoomiyihii ugu horeeyey ee baarlamaanka Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade waxaa la odhan karaa waaweel dhawaaqii waa dhiilo xoog badan.
Xaabsade wuxuu sheegay in uu ka qoomameynayo in laascaanood u soo gacan geliyey Somaliland,waxa kale oo uu sheegay in ay beeshoodu ay tashi danbe isugu noqonayso waxa ay ka yeelayaan arimaha uu ka hadlay,waxaanu si cad oo aan leex leexad lahayn u bayaamiyey in masuuliyiinta xukuumada ku jira ee ka soo jeeda beeshiisa aan waxba laga weydiin waxbana lagala socodsiin arimaha ku saabsan gobolada iyo degmooyinka ay ka soo jeedaan,waxaanu tusaale u soo qaatay gelitaankii ciidamada Somaliland galeen taleex iyo saax dheer.
Hadaba akhristow waxaad dib u xasuustaa khubadii uu Daahir Rayaale jeediyey maalintii uu xilka ku wareejinayey oo ahayd in uu ku wareejiyey dadka reer Somaliland oo mid ah iyo dal ay xuduudihiisu sugan yihiin, labadaasi arimood hadii anu dib u eegno tabashada beesha dhulbahante belaha kale ee Somaliland intooa badani way la qabaan.
Halkaana waxa ka muuqata in isku duubnindii uu Rayaale uu ku wareejiyey Siilaanyo inay meesha ka baxday,qodobka labaad waxaa muuqata in xuduudihii ay Somaliland lahayd e siilaanyo lagu wareejiyeyna ay meesha ka baxday arintaana waxaa u daliil ah ,in odayaal wafti ahaa oo xamar ka yimid oo ay tiradoodu dhameyd 50 xubnood oo isu jiray madax-dhaqmeed iyo siyaasiyiin ay Somaliland yimaadeen ,waxaanu Raysal Wasaaraha Somaliya warbaahinta u sheegay in odayaashaasi iyagu soo direen kana mid yihiin wufuud ay u kala direen goboladii ay somaliya ka koobaneyd markii ay burburtay dawladii dhexe ee somaliya 1991-kii.
Halkaana waxaa ka muuqata in ay meesha ka baxday xuduudihii sugnaa ee ay Somaliland lahayd Rayaale ku wareejiyey siilaanyo 4 sanno ka hor ,waxaana intaa ka sii daran ,arin ugub ah oo iyadoo kale horteed la arag oo faahfahinteedana lagu macaneyn karo sidan soo socota .
Xaajooyinka ama dhacdooyinka dunida guudkeeda ka dhaca soomaalidu waxay u kala qaybisaa laba qaybood oo magacooda la kala yidhaahdo ugub iyo curad ,hadii aad masahqo xaajadaasi waa ugubmacnaheedu waxaa weeyaan dhacdo aan iyadoo kale horteed dunida lagu arag waxa laga yeelayo ama laga xukumaayana way adkaataa ,waayo lama hayo wax tixraac ah oolooga qiyaas qaato dhacdadaasi.
Hadii aad maqasho xaajadaasi waa curad macanaheedu waxaa weeyaan arimaha caadiga ah ee inta badan dunida guudkeeda ka dhaca ama dhici kara ,waxa laga yeelayo ama qaabka looga go’aan qaadanaayaana ma keento wax dhibaato ah,waayo waxaa laga tixraacaan arimhii la midka ahaa ee hore u dhacay wixiilaga yeelay oo kale.
Hadaba saaxiibayal qoraalkan manta waxaan uga dan leeyahay arin ugub ahayd oo aan iyadoo kale dunida lagu arag oo ka dhacday aqalka madaxtooyada Somaliland , intii lagu guda jiray xafladii loo qabtay sanadguuradii 2 aad ee la soo noqoshadii madax banaanida Somaliland ee 18 may.
Dhacdaasina waxay ahayd markii mid ka mid ah odayaashii martida ahaa ee ka yimid magaalada muqdisho inta uu soo kacay isagoo gacanta ku haya calanka Somaliland uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxaan gudoonsiinayaa Calanka Somaliland Siilaanyo-na inta uu ka soo kacay halkii uu fadhiyey ayuu yimid halkii uu odaygu taagnaa markaasu odaygii Siilaanyo u dhiibay calanka Somaliland oo uu odaygii yidhi madaxweyne Siilaanyo iga gudoon calanka Somaliland , markaasu siilaanyo-na ugu jawaabay waan ka gudoomay markaasu calankii Somaliland ka qaatay odaygii.! Aduunyadani intii ay jirtayna lama arag oo lama maqal madaxweyne calanka dalkiisa ka gudooma marti ka timid dal kale oo ka soo qayb gashay xafladii calan saarka.
Hadaba akhriste waxaa muuqata in dhacdadani ay marag u tahay hadaladii ay hore u sheegeen xildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo labadooduba ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland ,oo si cad u sheegay in uu siilaanyo u baahan yahay baadhitaan Caafimaad,oo aanu ka jawaabi kareyn hadii la weydiiyo inta xubnood ee ay ka kooban yihiin golihiisa wasiiradu.
Waxaana suurta gal ah in u silaanyo sax u arkayey markii uu calanka Somaliland uu ka gudoomayey odaygii xamar ka yimid,waxa se wax lala yaabo ahayd guul wadayaashii hareero fadhiyey ee u sheegi waayey in arintani dhaawaq ku tahay qaranimada Somaliland ,markhaatina u noqon karto waxyaabihii ay hore umadu ugu sheegeen labadaasi xildhibaan iyo suugaan yahanka Somaliland , waxyaabihii ay ku bayaamiyeen maansooyinkii iyo suugaantii ay soo bandhigeen .
Hadaba danbi kuma jiro in laga dodo cida ay agcanta ugu jirto talada dalku, mar hadii si cad ay u muuqato marxalada uu taagan yahay Siilaanyo ,calaamada inoo muuqataana ay muujinayso in uu taagan yahay halkii XABIIB BURQIIBA oo ahan jiray Madaxweynihii hore ee tuunisiya oo mudo danbe la ogaadqay in mudo 8 sanno ahayd in uusan maskax ahaan bad-qabin XABIIB BURQIIBA , talada dalkana ay gacanta ku hayeen dadkii ku xeernaa ,wixii eedi ka timaadana ay isaga ku riixi jireen XABIIB BURQIIBA ,waana marxaladda manta marayso Somaliland ,oo aladii dalka waxaa gacanta ku haya dad aan la dooran, wixii eed ah ee ka timaadana waxay ku riixayaan dhinaca Siilaanyo.
Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa maansadii Cirsan-ka Yeesh ee uu tiriyey Alaha ha u naxariistee Abwaankii Axmed Ismail Dirie "Qaasim"
Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
Cadceedii Timaadaba Noole uu Ku Cimro Qaataa,
Xidigahan Casaaday iyo Dayaxan Caadka Lagu Meershay
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye
Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland