Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan warbaahinta madaxa banaan ee reer Somaliland, waxaa kale oo aan salaamayaa shacbi weynaha reer Somaliland.
Sida aad la socotaan shacabka reer Somaliland waxay Dowladnimadooda la soo noqdeen 18 May 1991, waqtigaa oo ahaa markii lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland, goobtaa dowladnimada lagaga dhawaaqay waxaa ku dhamaa dhammaan qabaa’ilka reer Somaliland ka kooban yihiin bari illaa galbeed. Waxa dowlad nimada loo dhistay waxay ahayd in dadka reer Somaliland kala badbaadaan Dalkuna horumar gaadho, Dowladaasina noqoto Dowlad sharciga iyo qawaaniinta umadu dhigatay ixtiraamta dadkana si siman oo cadaaladi ku jirto ugu dhaqda.
Hadaba waxaynu si cad u arkaynaa in ujeedooyinkii aynu Dowladnimada u dhisanay in ay ka leexatay Xukuumadan Madaxweyne Siilaanyo Gadhwadeenka ka yahay, ficilada ay ku dhaqmaysaana ay yihiin qaar dadka kala fogaynaya, tusaale ahaan tacadiga lagu hayo Warbaahinta madaxa banaan qaasatan Wargeysyada HAATUF IYO HUBAAL, oo albaabada loo laabay mulkiilayaashii iyo tafaftirayaashiina jeelka lagu guray bilaa sabab, ama sabab macquul ah aan loo hayn, ujeedada xadhiguna tahay Dowlada iyo qooska Madaxtooyadda ayaad wax ka sheegteen.
Guddoomiyihii Wargeyska HAATUF Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafaftirihii Wargeyska ayaa si bilaa anshaxa, oo ka baxsan qaynuunka Dalka iyo sharciga Saxaafadaba loo xidhay, iyagoo lagu shirqoolay kaalaya Maxkamada oo iska difaaca waxa laydunku soo eedaayay, Nasiib Daro Goobtaa Maxkamada waxa ku sugan maalintaa la xidhayo Yusuf Cabdi Gaboobe Ragii uu musuqmaasuqa ku eedeeyey oo kala ah Wasiirka Madanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo inanka la yidhaahdo Baashe Cawil oo Madaxweynuhu Sodog u yahay, oo ay maxkamadu ku sheegtay marqaati, waxa kale oo labadan nin waheliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Warancade oo isagu arrintiisu ahayd Dameeri Dhaan Raacday, Bal xagee Aduunka lagu arkay dad loo tuhmayo in ay Hantidii Qaranka Boobeen oo hadana iyagii Maxkamadaha ka marqaati yihiin , waa arrin cajiib ah.
Madaxweyne Siilaanyo waxaan leeyahay, Madaxweyne sifihii laguu soo doortay iyo qaabka aad kursiga ku timi waad garanaysaa, si wanaagsan oo gobonimo leh ayay shacabka reer Somaliland kuu soo doorteen, waxaa gacanta lagu galiyay Dowladnimo adag oo dadkeedu isku duubanyihiin. Hadaba halkii aanu kaa filaynay in Dowladnimadaa quruxda badan aad kor usiiqaado, naasiib daro waxad dib noogu celisay dhaqamadii xumaa Digtaatooriyadii Dowladii Siyaad Bare, Sharcigii umadana waad ku tumatay, sidaa darteed Madaxweyne dadku xoolo ma ahan mana ahan dad bilaa damiir ah, Wargeysyadan HAATUF IYO HUBAAL ee adiga iyo inankanyar ee aad sodoga utahay iyo wasiirka macdanta ay iska xidhateen sida ugu dhaqsaha badan xoriyadoodii u soo celi, hadii aad xoriyadoodii u soo celin waydo oo sharciga dalka iyo ka saxafadaba aad ixtiraami waydo, adigana cidi ku ixtiraami mayso, waxaanuna kuu aqoonsandoonaa hogaamiye qabiiil, qabiilna qabiilkale ragiisa iyo maheradahiisa ma xidhan karo, dadku waxay ixtiraamayaan Qaranimada Somaliland, lakiin adigu waxaad u egtahay hogaamiye doonaya in uu umadan halaag galiyo, umana ekid hogaamiye wanaaga iyo wadatashiga wax ku qaata.
MR. ABDULQADIR MOHAMED (CUKAASHE)
UK Bristol
warfaa_101@hotmail.com