Tuesday, May 20, 2014

Madaxdhaqameedka Aqoonsday Somaliland oo Suldaan Xiiray ku wareejiyay qadiyaddooda


AqoonsigaSuldaan Beyle Oo Ka Mid Ah Madax Dhaqameedka Somalia Ee  Hargeysa Oo Aqoonsiga Madaxbanaanida Somaliland Ku Wareejiyey Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Xiirey




 




 “Cid Kasta Oo Ay Quseyso Oo Aduun Weynaha Ah Waxa Aanu U Sheegayna In Aanu Anaga Oo Ah Dhaqcankii Umadda Somaliyeed Aanu  Aqoonsigii Somaliland “Guddoomiyaha Dhaqanka Somalia Suldaan Cabdicasiis Beyle




“Madax Dhaqameedka Somalia Ee Caawa Aqoonsiga Inagu Wareejiyey Waanu U Mahad Celineynaa Waxana Kale Oo Aan Leeyahay Waa In Madax Weynaha,Reysul Wasaaraha Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia-Na Ku Deydaan “Afhayeenka Salaadiinta Somaliland    Suldaan Xiirey




 




 




Odayaasha Dhaqanka Somalia ee ku sugan Somaliland, ayaa xalay Qasriga Madaxtooyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland kaga dhawaaqay in ay Somaliland si buuxda u aqoonsadeen qaranimada  iyo  ka madaxbanaan Somaliland isla markaana ugu baaqay inay  Beesha Caalamkana si deg deg ah  talaabo taa la mdi ah ku dhiiradaan oo  Ictiraaf Siiyaan Somaliland .




 




Suldaan Cabdi Casiis Cumar Daad (Suldaan Beyle ) oo ah Guddoomiyaha Salaadiinta Koonfurta Somalia korjoogana u ah Salaadiinta reer Muqdisho ee Somaliland ku sugan oo Xalay ka qaybgalay isaga oo hargeysa ku sugan isaga iyo Wefti Salaadhiin dhaqanka Somalia ahi Xuskii 18-ka May ee Xalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo ay goob joogka ahaayeen Xafladaasi Salaadiintan reer Somalia isla markaana uu fadhiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Madaxbadan oo reer Somaliland golaha dhaqanka iyo Salaadiinta reer Somaliland iyo Marti sharaf kale oo badan oo Xafladda ka soo qaybgalay,ayaa Suldaan Beyle oo ah Guddoomiyaha golaha dhaqanka Somalia uu si buuxda madashii Xafladdu ka socotay ugaga dhawaaqay  in isaga oo dawladda Somalia ka wakiil ah ay Somaliland si buuxda ugu aqoonsadeen qaran jira isla markaana uu Gobanimadii 1960-kii Somaliland ku lumisay walaalahooda Somalia ay dib uga gudoomaan.




 




Suldaan Cabdi Casiis Cumar Daad Suldaan Beyle ayaa ka codsaday in uu Afhayeenka Salaadhiinta dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey Madasha soo istaago si uu uga gudoomo risaalada Aqoonsiga ee Madax dhaqameedka Somalia ee uu Suldaan Beyle ka wakiil yahay ku wareejinaayo Madax dhaqameedka reer Somaliland si ay iyuna ugu wareejiyaan Madaxweynaha qaranka Somaliland Md Axmed Maxamed (Siillaanyo) waxanu Suldaan Cabdicasiis Beyle oo halkaasi ka hadlaayey ugu horeyn ku bilaabay hadalkiisa  “Waxa aanu Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa  iyo dhamaan  Cid kasta oo ay quseyso oo aduun weynaha ah waxa aanu u sheegayna in aanu anaga oo ah dhaqankii umadda Somaliyeed aanu  Aqoonsigii Somaliland ku wareejinay Somaliland,Waxa aan Somalia u sheegayaa umadda Somaliyeed iyo Shacabkaba ay banaan bax saddex Cisho ah iskugu soo baxaan goboladda Somalia kaasi oo ay ku taageerayaan qadiyada Madax banaanida Somaliland”




Suldaan Beyle oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “ Guddoomiyihii dhaqanka Somaliyeed ayaan ahay dawladda jirta kii dhisay ayaan ahay Marjaca mar kasta loo noqda ayaan ahay waxa aan Caawa ku wareejinaynaa Madaxbanaanideedii ay Xaqa u lahayn ee ay rabtay Somaliland waana in aad naga guddoontaan caawa oo bishu tahay 18-ka May ee 2014-ka waxana aan mar kale ka codsanayaa inay  nabad gelyadda iyo horumarka ay umadda Somaliland ku hogaamiyeen ee heerkan ku gaadhsiiyeen inay bal anagana noogu soo gurmaddaan oo wax nagula qabtaan dhibaatadda iyo burka na haysta ee walaalahooda Somalia baabi’iyey taasina waa naga codsi”




 




Madaxweynaha qaranka Somaliland Md Axmed Maxamed (Siillaanyo)  oo isna Madashii Xafladda 18-ka May  ee Qasriga Madaxtooyadda Xalay hadalkooban ka jeediyey  isla markaana ka dareen Celiyey Aqoonsiga Madax dhaqameedka Somalia u fidiyeen Somaliland waxa uu yidhi “Waxana aanu walaalahayaga Odayaasha Somalila  uga mahad celinaynaa  Aqoonsiga ay Caawa halkan kaga dhawaaqeen ee ay na sii yeen waxa aan leeyahay waad mahadsan tihiin aad iyo aad ayaanu idiinka mahadcelinaynaa”




 Afhayeenka  Salaadiinta  dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo isagu ka gudoomay Ictiraafka uu Guddoomiyaha dhaqanka Somalia ku dhawaaqay in uu Somaliland siiyey ayaa Suldaan Xiiray uu Ictiraafkaasi ka gudoomay markii dambena  Madax weynaha ku wareejiyey  waxanu yidhi isaga oo u mahadcelinaayey Salaadiinta Muqdisho “Madax dhaqameedka  Somalia inooga yimid ee halkan ku sugan ee Caawa inagu wareejiyey Aqoonsigeenii  Madaxbanaanida qaranka Somaliland waxa aan leeyahay waan in Madaxda Somalia idinka gudoonay aqoonsiga aad na sii seen waxa aan u soo jeedinlaha Madaxda Somaliya  ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaaraha Somali iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia waxa aan leeyahay waxa laydiinka baahan yahay in aad idinkuna  martaan  wada aqoonsiga ee Caawa ay Madax dhaqameedkiinu nagu aqoon sadeen waxana aan mar kale u mahad celinayaa dhamaan Odayaal dhaqameedka halkan nagu wareejiyey Ictiraafka”




Waxa uu intaasi Suldaan Xiiray raaciyey “Dareenkaygu aad ayuu u wanaagsan yahay waxa aan leeyahay Shacabka Somaliland waxa aan u rajeynayaa guul iyo gobanimo,waxa intaasi ii raaca Wufuuda odayaasha Madax dhaqameedka  ee Somalia inooga timid,waxa ay Madax dhaqameedkani  ku dhawaaqeen inay aqoonsadeen Madaxbanaanida Somaliland “




Dhinaca kale markii uu Suldaan Cabdi Casiis Cumar Daad Suldaan Beyle ma kara foonka lagu soo dhaweeyey ee halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ugu horeyn ka mahad celiyey sida sharafta leh ee Madax dhaqmeedkooda Somalia markii ay yimaadeen  Somaliland u qaabishay iyada oo intaasi ka dib uu ka codsaday Madax dhaqameedka Somaliland inay ka gudoomaan Aqoonsigii mudada 23-ka Sanno ah Somaliland ka raadineysay Somalia,ka dib markii uu hadalkaasi ka soo yeedhay Suldaan Bayle waxa is bedelay Shucuurtii Madaxda,Salaadiinta iyo Shacabkii Xafladda  18 May ee Xalay ka soo qaybgalay  iyada oo dhamaan Madaxdii iyo Shacabkii reer Somaliland ee Xafladda Madaxtooyadda ku sugana Xalay oo uu ugu horeeyey   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) ay dhamaan fadhiga uga istaageen hadalkaasi qiimaha lahaa ee uu Madax dhaqameedkaasi dhaqanka Somalia metelaayey madasha ka yidhi ,waxana halkaasi uga kacay Afhayeenka  Salaadiinta  dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey isla markaana ka guddoomay Risaaladii Ictiraafka Somaliland ay ku siiyeen Odayaasha dhaqanka Somaliyeed ee Somaliland ku sugani waxana halkaasi is qabsaday Sawaxan iyo Damaashaad Farxadeed waxana uu Suldaan Xiiray Ictiraafka uu ka gudoomay Madax dhaqameedka Somalia ku wareejiyey Madaxweynaha Somaliland.




 Wariye Mr Hudle




Gobanimonews@gmail.com




Hargeysa Office/Somaliland