“Looma baahna in lagu mashquullo khilaaf siyaasaddeed waxa loo baahanyahay in la taageero dadka tabaalaysan”baaq Xildhibaan ku gacan saydhay in la casilo xasan sheikh
Muqdisho(GNA)-In ku dhow 150-xildhibaan oo galabta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay taageero xoogan ugu muujiyeen Dowlada Soomaaliya ee uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh Maxamuud iyagoona si weyn uga soo horjeestay dalabkii dhawaan ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka ee madaxweynaha loogu soo jeediyay inuu iscasilo.
In ka badan boqol Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa laba todobaad ka hor kulan kale oo ay ku qabteen Muqdisho ka soo saaray 14 qodob oo ay u cuskadeen baaqa ay u soo jeediyeen madaxweynaha ee ah inuu iscasilo.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa eeddeymaha ay xildhibaanadu u soo jeediyeen isaga riixay dhanka Xukuumadda reysal-wasaaruhu hogaamiyo, isagoo si weyna u dhaliilay qaabka ay Mudaneyaashu eeddooda u soo gudbiyeen.
Xildhibaanadan Maanta kulanka yeeshay ayaa waxay Shegeen in aan loo baahneyn in iminka uu Dalka Galo Isbedel Siyaasadeed, loose baahanyahay in la taageero oo loo gargaaro dadka ay Colaadaha Saameeyeen.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadii kulanka soo qaban qaabiyay oo madasha ka hadlay ayaa waxay carabka ku adkeeyeen inay ku qanacsan yihiin sii hogaaminta dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo ku amaanay isbadalo la taaban karo oo dhinacyo badan leh mudada yar ee Kursiga uu ku fadhiyo madaxweynaha Soomaaliya,waxayna talo wanaagsan u jeediyeen xildhibaanadii dhawaan shiray inay u horseedin dalka dib u dhac iyo dhibaayooyin laga soo gudbay.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere wuxuu ka mid yahay xildhibaanadii lahaa qaban qaabada kulanka maanta lagu taageerayay Dowlada Soomaaliya,isagoo hadal goobta ka jeediyay ku amaanay madaxda dalka inay isbadlo waa weyn ay muujiyeen oo ku aadan xaga amniga,dhaqaalaha iyo hormarka arimaha gargaarka bini-aadnimo ee dalka.
Sidoo kale waxa Kulanka ka hadashay Xildhibaanad Aamina Cumar waxayna Sheegtay in loo baahan yahay in wax loo qabto Dadka Tabaaleysan oo aan lagu Mashquulin in Madaxda Dowlada waajibkooda shaqo gudanaya la niyad jabiyo.
Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xildhibaanad-Aamino-Cumar.mp3"][/audio]
“ Kulankeena maanta muhiimadiisa wuxuu yahay taageerada iyo garab istaaga Dowlada Soomaaliya iyo in laga soo horjeesto dalabkii ahaa in madaxweynaha Soomaaliya iscasilo,Dowlada Soomaaliya waxay hamiga ku haaysaa ah in dalka sanadka 2016-ka uu galo doorasho xor ah oo qof waliba oo muwaadin ah xor u noqonayo inuu ka qeyb qaato,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo ka mid ahaa xildhibaanadii Muqdisho ku kulmay.
Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xildhibaan-Cabdiraxmaan-Dheere-1.mp3"][/audio]
Sidoo kale xildhibaanada kulankaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo xubno kale kuwaasoo dhamaantood si cad ugu gacan saydhay baaqii hore uga soo yeeray saaxiibadood kale ee Baarlamanka.
Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xildhibaan-Maxamed-Cumar-Dalxa.mp3"][/audio]
Dowlada Soomaaliya ayay ku amaaneen sida wanaagsan ee dadaalka ugu jirto xasilinta dalka iyo waliba dib u dejinta dadkii ka barakacay deegaanadii dagaalada ay saameyn ku yeesheen.
Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xildhibaan-Muuse-Sheekh-Cumar.mp3"][/audio]
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com