Waxaan halkan hamabalayo iyo bogaadin u dirayaa maareeyaha cusub ee Haamaha Shidaalka Berbera Mudane : Shiekh Saleebaan Siciid Cali oo hore u ahaan jiray isu duwaha diinta iyo awqaata ee gobolka saaxil .
Waxa hubaal ah in sheikh saleebaan Siciid Cali xilkaasi loo magaacabay ee ah Mareeyaha Haamaha Shidaalka ee Berbera inuu waxa badan ka qaban doono ahna nin hawl kar ah kana soo baxay shaqadaasi Mareeyaha iyo Shaqo ka balaadhan ba .
Maareeyaha cusub Mudane .Shiekh Saleebaan Siciid waa Haldoorka Gobolka saaxil kaasi oo waxabadan ka soo qabtay arimaha bulshada .
Waxaan masuulka cusub ee Haamaha Shidaalka berbera Mudane .Sheikh Saleebaan Siciid Cali Ilaahay uga barayaa inuu xilkaasi cusub u fududeeyo .
Qore . Yoonis Axmed Yoonis
Hargeysa / Somaliland