Friday, May 23, 2014

Ha la taageero Isu soo baxyada Mucaaridka Somaliland ku baaqeen





 Isu soo baxyadu waa waxyaabaha caanka noqdey  qarnigii 17 aad ilaa kii 18 aad. Gaar ahaan kacaankii faransiiska < Great  French  Revulation> 1831-1834. Kii ugu horeeyeyna waxa Ruushka lagu qabtey 1870 kii kaas oo qolloda ugu firfircoon ee horseedka ahaayeen aqoonyahanku <Intelectual of No Definite Class> bulshooyinkeena waa wax ku cusub isla markaa ay sas ka qabaan hogaamiyayaasha jaguuga ah ee raba in bulshooyinkoodu dareemin wax aka dhacaya hareerahooda.




Isu soo baxa ama banaanbaxu waa hab bulshooyinka arlada ku uumani ku cabiraan dareenkooda. Waa hab ay ku nafisaan kuna badalaan nidaamka aan raali gelin ama dantooda aan wadin. Waa hab ay ku dareemaan iney xor yihiin oo ay fahansan yihiin khiyaamooyinka qaawan ee ay wataan xukuumadaha bilaa caqliga ah. Qofkuna hadii aanu mayada baran, hayadiisuna waa waxba kama jiraan. Waxyaabo badan oo kala duwan ayuu isu soo baxa bulsho noqon karaa. Waxa uu noqon karaa mid ay bulshadu ku xusayso taariikh ay leeyihiin oo la rabo in la qariyo. Waxa uu noqon karaa banaanbax lagu doonayo dimuquraadiyad iyo sinaan. Waxa uu noqon karaa mid lagu doonayo in waxyaabaha daruuriga ah ee bulshada dawladu qiimahooda ay hoos u dhigto. Hase yeeshee isu soo baxyada wadankeena soomaliland wey ka duwan yihiin arimahaa, waxyaalaha ay isu soo baxyada ka sameeyaan waa waxyaalo la yaab ah ama qof kasta oo dunida kale ku nool marku maqlo aad ula yaabayo. Somaliland waxa mudaharaadayey booyadaha biyaha oo cashuurta wado marida lagu kordhiyey iyada oo shicibkeedu haraadan yahay. Ma la odhan karaa waa dawlad hadii aaney awoodeyn in shicibkeeda ay waraabiso. Waxad maqleysaa ardeydii jaamacada ayaa ka cabatey lacag lagu kordhiyey kadibna rasaas laga hor geeyey oo xabsiyada lagu gurey. Wey iska cadahay in dawladu waxa kaliya ee ay ka shaqeyneysaa ay tahay danteeda iyo iney lacag badan ka urursato shacbiga daacada ah ee reer Somaliland. Maalmaha soo socda waxa labada xisbi mucaarid iyo madasha wadatashiga iyo toosinta qarranku ku baaqayaan in la qabto isu soo bax balaadhan oo loogu hiilinayo xoriyada hadalka ee reer somaaliland. Dhamaan aqoonyahanka, dhamaan ardeyda dugsiyada sare iyo jaamacadaha, dhamaan shacbiga jecel horumarka iyo xadaarada bulshada waxa haboon iney ka qayb qaataan isu soo baxan oo dareenkooda ku muujiyaan in aaney raali ka ahayn xadhiga lagula kacayo suxufiyiinta qalinkooda maalaya. Somaaliland ha noolaato waa dhulkeeni waa jecelnahay, isu soo baxeenu ha noqdo mid aan lagu waxyeeleyneyn wadanka. Waa mid nabad gelyo dhinaca shacabka waa hubaa hase yeeshee dawlada waa markhaati ma doon in jawaabteedu rasaas ku rida ay tahay. Waa markhaati ma doon iney diidi doonaan in isu soo bax la sameeyo hase yeeshee qarrankani ma yeelayo intaa wax ka badan in uu sidaa ku sii jirro.ha la sameysto halkudhegyada <slogans>maahmaah ha lagu qorro. maya maya ha lagu dhigo.




allaa mahad leh




 




WACAYS AXMED MAXAMUUD




BARRE ADDUUNYO




bareadunyo@gmail.com




Germany Frankfurt