Hoos ka Daawo Sawirrada Kumanaan Ciidan iyo Rayid isugu jira oo socod gaardis Madaxtooyad ku hor maray
Hargeysa(GNA)-Dhawr qof oo dhaliyaro ah ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen Dibadbaxyadii Maanta ee Magaalada Hargeysa,kaddib markii ay kuwo kale isku dhaceen .
Kalkaaliyeyaahsha Caafimaadka ee qaybta Gurmadka deg deg ah ayaa ayaa Gobanimonews u sheegay in tiro saddex qof oo waxyeelo ka soo gaadhay dhalinyaradii Xaafadaha dhexdooda isku shiidaysay.
Saddexdan qof ayaa mid ka mid ah waxa isu qabtay Koox dhalinyaro ah, kuwaasoo nabaro jug ah ka soo gaadhsiiyay Feedhaha iyo meelo kale oo aan muuqaan, sida uu Gobanimo u sheegay Kaaliye Dabiibeyay Wiilkan oo aanu xaaladiisa ka waraysanay.
Sidoo kale wariyeyaasha booqday Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa halkaasi kula kulmay waalidiin caruur dakh-dakhran wata “Inankaygu kamuu soo bixinba Gurigee, waxay ugu yimaadeen isagoo guriga jooga. Dhagaxbaana lagu dhuftay”sidaasi waxa yidhi waalidka Wiil Sideed jira h oo wajiga hore nabar weyni kaga dhacay.
Dhalinyarada ayaa ilaa xalay si Masuuliyad daro ku jirto oo ay dawladdu indhaha ka qarsatay u marayay jidadka magaalada, iyadoo ay Ciidamada Bilayska meelaha qaarkood shiid iskaga caabinayeen.
Sidoo kale Gaadiidka ayay si xawli ah ugu kaxaynayeen waddooyinka, iyagoo Xawaare culus isku dhaafaya.
Arrintan ayaa loo aanaynayaa inay sababteeda qayb ka tahay wacyi-gelin la’aan dhanka Dawladda ah, taasoo ay ka gaabisay Guddida qaban-qabaada hawshan loo xilsaaray.
Guddidan ayaan wax fariin ah oo caam ah u dirin Bulshada maalmihii ugu dambeeyay ee diyaar garowga, kuna mashquulsanaa qaybinta Calamada oo suuq Ganacsi ka furnaa.
Sidoo kale Waalidiinta Caruurta dhashay ayaa qaarkood ubad da’doodu ka yartahay shan sanadood inta ay calanka Somaliland u soo labiseen keenay Fagaareyaasha isu soo baxyadu ka dhaceen, kuwaasoo markii is jiidh-jiidhka iyo buuqu abuurmay qaarkood la arkayay iyagoo ooyaya, isla markaana Bilaysku riix-riixayaan.
Wacyi-gelinta la’aanta dhalinyarada ee inay dhowraan nabad-gelyada iyo Bilayska oo aan xil iska saarin inay ka hortagaan dhaqdhaqaaq kasta oo lid ku ah ammaanka ayaa sidoo kale soo kordhisay waxa ay dadku ku tilmaameen fusuq iyo dhaqan xumo Dhalinyarada qaarkeed xalay si badheedh ah u samaynayeen.
Dhaqan xumada iyo fusuqan waxa hore uga digay Culimada Diinta oo si weyn uga hadlay Jimcihii doraad, hase ahaatee waxa muuqata inaanay xubnaha Guddida iyo Hay’addaha nabad-gelyada ee waxaas ka hortegi lahaa dheg u dhigin.
Sidee looga Xusay 18 May Magaalada Hargeysa?
Halkan ka Daawo Sawirrada Kumanaan socod Gaardis ah ku maray Jidka Madaxtooyada hor mara…
MVI_3717