Sunday, May 18, 2014

Cali Khaliif oo Buuhoodle Jiire ku dhaafay


Buuhoodle(GNA)-Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ayaa ku laabtay Magaalada Buuhoodle, maalin kaddib markii sida la sheegay Ciidanka Somaliland  ee Gobolka Sool ka saareen Degmada Saax-dheer oo ay sheegeen inuu abaabul dagaal ka waday.




Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland ayaa Gobanimonews u sheegay in Cali cidi caaradeed kaga baxsaday Ciidanka Somaliland maalintii shalay, kaasoo intaasi ku daray inay gacanta ku dhigeen Oday dhaqameedka caanka ah ee Garaad Jamaac Garaad Cali.




Galaydh ayaa la sheegay inuu maanta gaadhay Buuhoodle, halkaasoo maalmahan laga walaacsanaa inay dib uga soo cusboonaato colaadii ehliga ahayd ee hore u dhex martay bulshooyinka Oodwadaagta ka ah Buuhoodle iyo Qorulugud.




Buuhoodle ayaa xarun u ahayd sanadihii la soo dhaafay Maamulka la baxay Khaatumo ee uu Hogaamiyaha ruuxiga ah u yahay, hase ahaatee waxa todobaadyadii la soo dhaafay loolan siyaasaddeed ku dhex maray Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed oo ay isku maalin ka soo ambo baxeen Magaaladaas.




Xaglo-toosiye oo hadlay Sabtidii shalay markii uu Magaalada Hargeysa oo gaadhay, ayaa sheegay inay reer Buuhoodle eryeen Galaydh iyo Kooxdiisa Khaatumo, waxaase muuqata in hadalkaasi cali Khaliif ficil ku beeniyay booqashadiisan Maanta.




Dib ugu soo laabashada Galaydh ee Buuhoodle ayaa keentay cabsi  ka soo korodhay xiisad dhawr maalmood ka hor ka dhacday Deegaanka Maygaagle oo Buuhoodle iyo qorulugud u dhaxaysa, taasoo deegaamada qaar laga shakisanyahay inay  ujeedooyin siyaasaddeed  ka dambeeyeen.




Galaydh ayaa markii uu maanta soo gaadhay Buuhoodle, isla wakhti yar kaddibna uga ambo baxay dhinaca Magaalada Boocame oo uu u sii dhaafi doono dhinaca Taleex.