Laascaanood(GNA)-Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa la sheegay inay Deegaamada Gobolka Sool ka qab-qabatay Gaadiid lagu soo xidhay Taariikooyin Foojari ah, Buugaag kuwa Baabuurta ah , Shaambado Foojari ah iyo dad lala xidhiidhinayo inay si tuugo ah ugu shaqaysan jireen.
Gaadiidka iyo agabka ayaa baddankoooda laga qabtay gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Ma cadda tiradda Gaadiidka la qabtay iyo dadku toona, hase ahaatee saraakiil sare sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo kuwa Ciidanka amniga ka tirsan ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in labadii maalmood ee la soo dhaafay la qabtay ilaa todoba gaadhi oo bileedh lambaro Foojari ah lagu watay, Shaambado foojari ah iyo waliba tiro dad ah oo arrintan lala xidhiidhinayo.
Shaambadda Foojariga ah ayaa la sheegay inay si tuugo ah suuqa kaga shaqaysan jireen dad sheegayana wasaaradda maaliyadda, kuwaasoo gaadiidka lacag kaga qaadan jiray intay ugu dhuftaan buugaagta, sida uu Gobanimonews u sheegay sarkaal magaciisa qariyay oo gobolka ka hawl-galaa.
Sidoo kale, Bileedh lambarada ayaa la doonayay in si sharci daro ah loogu soo geliyo gaadiidkaasi magaalooyinka somaliland, iyadoo laga keenay dhinac puntland.
Hawl-galkan ayaa ah kii ugu balaadhnaa ee ay wasaaradda Maaliyaddu qaado, kaasoo wax lagaga qabanayo tuugaysiga Cashuurta dawladdu qaado iyo maamul xumo ragaadisay xafiisyada cashuuraha ee Gobolka oo dadka ka hawl-gala qaarkood lala xidhiidhinayo inay qayb ka yihiin suurto gelinta tuugada noocan.
Wariye ka tirsan Gobanimonews oo dhawaan booqday Gobolkaasi, kaasoo u kuur galay nidaamka Hay’adaha dakhli soo saarka Gobolka ayaa la kulmay noocyo fal musuqmaasuqyo lagu lunsanayo Cashuur iyo gaadiid sifo sharci daro ah dalka lagu soo gelinayo .
Hase ahaatee wasaaradda Maaliyadda oo dhawaan iyagoo iskaashanaya Hanti-dhawrka Guud dad falal noocan oo kale ah faraha ku jira ku qabqabatay, ayaa u muuqata mid hada ku baraarugtay dhaqanka noocan oo ah sida la sheegay muddo dheer Gobolka ka jiray.
Gaabis ka yimi Xafiisyada Cashuuraha Beriga ee Gobolka oo aan wax talaabo ah ka qaadin arrintan ayaa masuuliyad darada ugu weyn dusha laga saarayaa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com