Thursday, March 13, 2014

Xisbiga Waddani oo Tacsi ka diray Geerida M. Saleban Tubeec





Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Iyo dhamaan xubnaha Hogaanka sare, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Laamaha Dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaan Alle Haw Naxariistee Marxuum MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC, oo ku geeriyootay dalka Germalka, Eheladii Iyo Asxaabtii iyo bahda fanka iyo umadda Somaliland iyo inta Afsomaliga ku hadasha Samir Iyo Iimaan ILAAHAY Haka Siiyo, Isna Janatul FARDOWS Hoy ha uga dhigo




Illaahay Ha U Naxariisto Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec.