Borama(GNA) Xildhibaan Cabdi Maxamed Jaamac (Gaa-gaale) oo kormeer ku soo maray xeebta galbeed ee Gobolka Awdal ayaa sheegay in Ayaxu farabaas ku hayo deegaanadaas oo uu dhawaan Roob helay isla markaana Xoolo-ley badani isugu tagtay.
Xildhibaan Cabdi waxa uu qayo dhaan u diray Dawladdaha jaarka ah iyo Hay’addaha aqoonta iyo xirfada u leh la dagaalanka Ayaxa isagoo si gaar ah Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay si dhakhso ah wax looga qabto xaalada deegaanada Xeebta kuwaas oo haddii aan gacan laga gaysan abuuri doonta xaaladdii abaarta ahayd ee ay dadweynahaasi dhawaan ka soo doogeen.
Xildhibaan Cabdi waxa uu sheegay mudadii uu marayey deegaanadaasi in Roobabkii u danbeeyey ee ka da’ay ay barwaaqo gaadhsiiyeen balse Ayaxa Koronkorta ah ee deegaanadaas joogaa haddii uu dilaaco uu keeni karo in dad iyo Xoolaba la kulmaan xaalad aan la soo qaban Karin.
Xildhibaan Cabdi waxa uu sheegay Wasaaradda Beeraha Somaliland in ay dedaashay oo ay geysay gaadhi kaasoo aha aitaalkeeda isagoo sheegay in gaadhi kali ah oo ay deeaankaas gaysaa aanu xaalada Koronkorta waxba ka qaban Karin, balse loo baahan yahay Gurmad balaadhan.
Xildhibaan Gaagaale waxa uu sheegay koronkorta uu soo arkay in aanay ku koobnaan doonin Somaliland oo kali ah, balse dalalka jaarka ah sida Itoobiya iyo Jabuuti ay saamayn doonto, isagoo ugu baaqay intaanu ku fidin in ay Somaliland ka caawiyaan dagaalka ay kula jirto Koronkortaasi.
Xildhibaanku waxa uu sheegay Degmadda Lughaya ee Gobolka Awdal in ay tahay meelaha ugu daran ee Koronkortani joogto isagoo sheegay Gobolka Selal ilaa Saaxil in uu teedsan yahay, waxyeeladiisuna ay xeebtaas oo dhan saamayn doonto
Gobanimo news-Desk