Saturday, March 22, 2014

Xildhibaan Cabdirisaq Aar oo ka mid ah Golaha Degaanka Burco oo Si weyn u dhaliilay SONYO Baaqna u diray Dhalinyarada Somaliland ee Ay magaceeda sheegato.


1661616_294833700673288_296563001_n-475x345 "Reer Somaliland Waxay ka qeyliyaan sheegashada Somaliya dhalinyarada somaliland na waxay ka qeylinayaan  sheegashada sonyo" Xildhiban AAR




 




Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac ( Aar) oo xalay ka hadlay munaasibad ilyartu is qabatay ayaa ka hadlay Doorka dhalinyarada iyo Waxqabadka Dalka, Waxaana uu gaashaanka ku dhuftay Dallada isku Magacowday Dallada Dhalinyarada Somaliland ee heer qaran  oo uu sheeganay inaanay Sonyo Matalin Dhalinyarada Somaliland sidoo kale baaq u diray Xukuumada inay ka fiirsadaan Sanduuqa dhaqaalaha Dhalinyarada somaliland ee gacanta loo geliyey Kooxda gaarkaa .




 




Xildhibaan Cabdirisaaq Aar  oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Burco  ayaa  sheegay in Somaliland ay ka qeyliso Sheegashada ay Somaliya  Sheegato Somaliland sidoo kalena ay Dhalinyarada Somaliland ka qeyliyaan Sheegashada ay Sheegato Dallada Isku Magacowday Sonyo.




 




Xildhibaan ayaa si kulul uga hadlay dallada sonyo  oo uu ku  sheegay inay maarayn kari wayday NGO yadii ku jiray  islamarkaan aanay maarayn karin Dhalinyarada somaliland awood iyo karti midna aanay u lahayn waxaana uu xusay inay sonyo ku fashilantay  magaca ay u wantahay ee dhalinyarada somaliland marnaba aanay  ka talin karin Masiirka Dhalinyarada Somaliland.




 




Waxaana ka mid ahaa Hadaladii  Xildhibaanka sidatan" inta aan xasuusto dhalinyaradu 17-qeybood ayey ka kooban tahay  Dhalinyarada Somaliland waxaa matelikara oo keliya Urur intaasi oo dhami ku jirto, beryahan waxaan maqleeyey Dallada Sonyo ayaa waxay samaynaysaa xeer sanduuqa dhalinyarada somaliland waxaan leeyahay  xeerkaa dhalinyarada samayn maysee xeerkii sonyay samaysanaysaa, sanduuquna waa mid ay iyadu leedahay  waxaan kula talinaynaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xukuumadaba xeerkaa sanduuqaa la samaynaayo inuu noqdo Sanduuq loo siman yahay, Dhalinyarada somaliland oo qeybaheeda kala duwan oo dhami ay ka qeyb qaataan samaynta xeerkaasi"




 




Xildhibaan aar oo hadalkiisa sii wata ayaa hadana yidhi" Waxaan leeyahay sonyo  aniga oo aan hadalkayga qarsanayn  waxaan leeyahay ma matashaan dhalinyarada somaliland runtaan idiin sheeganynaa waxaad matashaan NGO, Sonyo waxay kaantarooli kari weyday Ururadii  ka midka ahaa Ururo kamidabaa 5-sano ka hor xidhmay oo aan shaqaynin Sonyana Boodhkeeda ku jira, Dhalinyarada reer Somaliland ma Kaantarooli karto mana metesho"




 




Isagoo xildhibaanku soo qaatay Tusaale Cajiiba wuxuu yidhi "Reer Somaliland Waxay ka qeyliyaan sheegashada Somaliya dhalinyarada somaliland na waxay ka qeylinayaan  sheegashada sonyo maaha inay sheegato, Tusaale yar baan idiin sheegayaa Hargeysi sonyo waxay boodheekda ku leetahay 21-xubnood halka burco oo caasimadii labaad ee wadanka ah  ku leedahay 5-xubnood waa Cadaalad daro, Sonyo waxaan leenahay noo dhig Magaca.




 




Mohamed elmi hassan(Shiine)




Buco/Somaliland




Shiine1433@hotmail.com