Tuesday, March 18, 2014

Wefti ka socda Puntland oo Laasqoray u waydaartay Madaxweyne Siilaanyo


lasqorayLaasqoray(GNA)-Wefti ka socda Maamulka Puntland ayaa booqasho kedis ah ku yimi Degmada Laasqoray oo uu shalay Madaxweynaha Somaliland booqday,kana dhagax dhigay Mashaariic.




Weftiga ayaa saaka soo gaadhay Laasqoray waxaana ku soo dhaweeyay dad tiro badan oo abaabulan.




Weftiga waxa hogaaminayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekedaha Gaadiidk badda iyo La-daglanka Burcadbadeeda Axmed Siciid Cabdiraxmaan, xubnahana ay ka yihiin Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland.




Imaanshiyaha Weftiga Puntland ayaa muujinaya yooyootan maamul oo labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland ku kala riixanayaan Deegaan xeebeedka  Qadiimiga ah ee Laasqoray iyo bariga Sanaag.




Wasiir u Dowlaha Wasaaradda Dekedaha Gaadiidk badda iyo La-daglanka Burcadbadeeda Axmed Siciid Cabdiraxmaan oo la hadlayay Dadweynihii soo dhaweeyay ayaa sheegay in Dowlada Puntland ay ka go’an tahay inay ilaaliso Xuduudaheeda.




‘’Waxaan idin la socodsiinayaa in maamulka Soomaaliland uu halkaan yimaado inay ahayd isbadalka wax ku oolka ah ee laga filayo maamulka Puntland,isbadalka ay ka baqaayaan,waad ogaydeeno halkan horay uma iman jirin’’ Ayuu yiri.




Masuuliyiinta kale ee weftiga la socday oo uu ka mid yahay Ninka Gobolka Sanaag ugu magacaaban Puntland ayaa balan qaaday inay ilaalinayaan amniga Gobolka Sanaag.




Weftiga ayaa intii ay joogeen laasqoray cid iska hortaagtay jirin gudaha magaaladan Madaxda Somaliland shalay ku sugnaayeen, taasoo dadweynuhu isweydiinayaan sababta weftiga Somaliland Ciidamo difaaca ugaga tegi waayeen deegaankan oo ay ahayd markii ugu horaysay ee ay booqdeen.




Puntland ayaa shalay booqashada Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa ku tilmaamay xad gudub Dhul Puntland maamusho lagu sameeyay, taasoo ah sababta ugu weyn ee ay dadku isu weydiinayaan su’aasha ka taagan raad baabiinta lagu sameeyay Weftiga madaxweynaha.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com