Tuesday, March 18, 2014

Weerraro isqarxina oo xalay lagu laayay Abaan-duuleyaal Ciidan oo Somali iyo AMISOM isugu jira


Buullo-burte(GNA)-Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hudheel ku yaala Degmada Buullo-burte ee Gobolka Hiiraan.




Buullo-burte ayaa todobaad ka hor laga qabsaday Al-shabaab.




sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, waxa dadka dhintay ay isugu jiraan saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo AMISOM gaar ahaan ciidamada Jabuuti.




Waxa kale oo ka mid ah saraakiisha weerarkaas ku dhimatay abaanduulihii ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan Maxamed Aadan Amiin halka ku-xigeenkiisii C/qaadir Nuur uu dhaawacmay.




Sidoo kale waxaa weerarkii xalay ka dhacay Buulo Burde ku naf waayey gudoomiyihii maamulka dowlada ee degmada Buulo burde, iyadoo gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed (Hagar-dabageed) uu weerarkaas si xun ugu dhaawacmay.




Weerarkii xalay ka dhacay degmada Buulo Burde oo ahaa mid qorsheysan oo si weyn looga soo shaqeeyey ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay illaa 7 dagaalyahan oo ka tirsdan kooxda Al-shabaab.




Ciidamada dowlada iyo kuwa Jabuuti ayaa saaka howlgalo xoogan ka sameeyey xaafadaha degmada Buulo Burde kuwaasoo ay ku soo qabqabteen illaa 20 ruux oo la tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.




Waa weerarkii ugu xumaa uguna khasaaraha badnaa ee ka dhaca degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan tan iyo markii ciidamada dowlada iyo AMISOM ay la wareegeen degmadaas maalmo ka hor.




Dhinaca kale, Dagaalo xalay ka dhacay Deegaamo kala duwan oo Gobolka Hiiraan ka tirsan, ayaa waxa laga soo sheegayaa Khasaare.




Tiradda weeraradda Al-shabaab fulisay ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay u muuqda kuwo Khasaare ba’an geystay.




Shalay gelinkii dambe ayay sheegeen inay 12 Askari oo AMISOM ah ku dileen weerar ay ku qaadeen xero ciidan oo Amisom leedahay deefaanka Carbiska, inkasta oo ay AMISOM beenisay Sheegashaddaasi.




Sidoo kale, waxa ay Al-shabaab shalay gelinkii dambe ku dishay Duleedka Magaaladda Boosaaso Taliyihii Ciidanka Daraawiishta ee Dawladda Puntland Coll. Jaamac Saciid Af-guduud.




Dhamaan weeraradan ayaa ahaa kuwo qorsheysan oo si fiican looga soo shaqeeyay.




Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay madaxda dawladda Federaalka oo la xidhiidha weeraraddan.




Balse saraakiil u hadlay Ciidamada ayaa sheegay inaanay arrintani wax saameyn ah ku yeelanayn hawl-galka lagula dagaalamayo Al-shabaab.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com