Sunday, March 2, 2014

Warsaxaafadeeed Madaxweyne: Ma jirto faro-gelin Garsoorka aanu ku heynaa".


Hargeysa (GNA)Madaxtooyada Somaliland ayaa ka jawaab celisay eedeyn ay u soo jeediyeen bahda garsoorka.




Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2




 




 




 




 




 




Kaas oo u dhignaa in ay xukuumadu ku hayso faragalin jawaabta xafiiska madaxweynaha ayaa timid 48-saacadood gudohood.




Warsaxaafadeedka  Waxaa uu udignaa sidatan.





Date: - 02/ 03/2014





 




WAR-SAXAAFADEED




Majirto  wax fara-gelin ah oo ay xukuumaddaydu ku hayso nidaamka garsoorka iyo caddaalada.




Waxaan xukuumad ahaan aanu u taaganahay in garsoorkeenu noqdo mid u hiiliya xaqa isla markaasina dhawra xuquuqda Aas-aasiga ah ee muwaadiniinta, sidaasi waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo.




Waxaa maanta qaar ka mid ah warbaahinta lagu baahiyey war ku saabsan sida ay ku andacoodeen, qaarka mida xaakimada maxkamadaha hoose, in xukuumaddu ay garsoorka fara-gelin ku hayso.




Ma jirto wax dacwad ah oo arrintaasi ku saabsan oo iga soo gaadhay gudiga caddaalada, waxaana iga go’an xukuumad ahaan in aanu gacan-buuxda ku siino gudashada waajibaadka garsoor ee ay qaranka u hayaan maxkamaduhu, waxaana la dareemi karaa intii ay xukuumadaydu ay timid waxyaabaha iyo isbedelada ka muuqda garsoorka dalkeena, hadii ay jiraan cid shaqsiya ay fara-gelin u gaysatay garsoorka marka la xaqiiyo ka dib waxaan ka qaadi doonaa talaabada ku haboon.




Ugu danbayn garsoorka iyo maxkamadeheena waxaa laga rabaa iyada oo la dhawrayo anshaxa dawladeed iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha kala duwan ee dawlada, in wixii cabasho ah ee jira loo maro nidaam maamul iyo qoraal, balse aanay munaasib ku ahayn in warbaahinta la isu mariyo eedo iyo dacwado aan loo gudbin cidii ay khusaysay.




ALLAA MAHAD LEH




Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.