Monday, March 24, 2014

War-Deg-Deg Ah: Raxan Koron-kor Ayaxa Oo Maanta Si Taraansid Ah Ku Soo Maray Magaalada Boorama Una Gudbay Itoobiya.


1513707_620335138048967_274278740_nBoorama-(GNA)-Goor sii danbaysay oo maanta duhurkii ah ayaa waxaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka awdal si taraansid ah u soo dulmaray raxan koronkorta Ayaxa. kuwaasi  oo sida la sheegayo ka soo kicintantay degaanada waqooyiga ee  Gobolka Awdal. koronkortan oo gabi ahaan hawada sare ee magaalada Boorama xidhay mudo daqiiqado ah ayaanan ku hakan taas oo ahayd mid socota.




Raxanta koronkorada Ayaxa ah ayaa magaalada Boorama u dhaafaya dhinacaas iyo itoobiya iyada oo aysan jirin meelo ay ku degtay  oo ka mid ah magaalada iyo duleedkeeda.




Si kastaba ha ahaatee koronkorta ayaxan ah ayaa mudooyinkii u danbeeyay laga dardaar warinayay oo ay qaylo dhaan dirayeen wasaarada Beeraha Somaliland iyo dadka degaanada ku teetsan xeebta galbeedka Gobolka Awdal taas oo ilaa haatan hay’adaha caalamiga ah ee arintan khuseeya aysan dhag jalaq u dhigin arimahan dabiiciga ah ee ka dhacaya Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal.




Gobanimo news




Mustafe caraale




Boorama-Office