Waxa beryahan warabaahinta ku soo batay maqaalada Qalinmaal. Inkastoo reer Qalinmaal aan qaarkood si fiican u garanayo oo ay macalimiin ii ahaayeen waanana sababta aan u isticmaalay cinwaanka sare.
Inkastoo aad iga mudan tihiin xushmad iyo qadarin , idinkuna raacsan yahay in hadalada xun aad ka jawaabtaan, haddana waxaan in badan ku arkaya maqaaladiina iyagoo si weyn taageero ugu fidinaya kooxo aan hagardaamo mooye, hiil u lahayn Somaliland,
Aqoontu way ka fogtahay guulwadenimo, bulshadu oo difaacado ayaa ka fiican difaac qof keliya. Kooxdan maamulka haysaa waa danaystayaal u baahan in ummadda la tuso ee maaha kuwii laga qarin ama laga difaaci lahaa.
Waxaan u arkay qoraalada inta badan ku dhisan cilmiga iyo aqoonta ee aad qortaan in aany u qalmin kuwan maanta jooga xukunka oo aanay ahayn kuwii lagu difaaci lahaa. Kooxda meesha joogta waa koox xukunka ku boobaysa ummadda kana dhigaytay goobo ay aduunyo ka helaan, oo aan dan ka lahayn waxa dhacaya, inay hanti urursadaan mooyaane..
Waxa kale oo jimcihii Madaxweyne Siilaanyo uu ku tukaday Masjidka Cali Matan. Arrintani waxay fursad u ahayd wadaada masjidka oo u fiincnayd inay madaxweynaha runta u sheegaan oo ku yidhaahdaan: “ Madaxweyne dalka iyo dadka diinta ku xukun, cadaaladii way baaba’daye.
Dhamaan wadaadii way hor boodayeen ilaa badhtamaha suuqa ayay la lugaynayeen, way ka farxeen, ilaa xad, wayna u qaadan waayeen… waa run oo walagu farxayaa masuul safkii masjidka soo galay, waxase intaa ka mudan in halkasi xaqa loogu sheego oo iyaguna noqdaan kuwo xujadii ku oogaya, ama qaato ama ha diido. Culimadii hore ee salafkii wanaagsanaa way ka fogaan jireen ag jooga maamulada iyagoo arrin diimeed u sheegaya mooyaane.
Wadaad iyo aqoonyahan waa looga fiican yahay Guulwade.
Cilmi Mohamed (PILOT) MS. BUSINESS ADMINISTRATION
Email:pilot213@gmail.com
Hargeysa/Somaliland